Shikradda tareennada maamusha ee Finland (VR) ayaa ku dhawaaqday labo arrin oo aad loo soo dhoweeyay.

Sawirku lama xiriiro dhacdada: -Xuquuqda Sawirka: Mohamed Ibrahim/SSMV- Sawork

Shirkadda maamusha dhabbayaasha xadiidka ah ee tareennada iyo gaadiidka tareennada ee Finland ayaa ku dhawaaqday in ay gebi ahaanba joojisay wadashaqeynti ay la lahayd shirkadda magaceeda loo soo gaabiyo RZD ee maamusha tareennada Ruushka.

Tallaabadan ayaa ka dhalatay sida lagu sheegay war ka soo baxay VR, weerarka uu Ruushku ku qaaday Yukrey (Ukraine).

Dhanka kale VR ayaa shaacisay in dadka wata baasaboorka Yukreyn oo dhan ay si lacag la’aan ah ugu safri karaan dhammaan tareennnada VR ee safarada dhaadheer iyo kuwa gaagaaban sameeya. ”Muwaadinka waxaa ku filan in uu baasaboorkiisa tusto shaqaalaha tareenka oo kaliya” ayaa warbixinta VR lagu yiri.

VR ayaa sheegtay in ay tallaabadan ay uga golleedahay in ay uga qaybqaadato hawlaha lagu fududeynayo xaaladaha adag ee heysta muwaadiniinta Yukreyn ee Finland deggan iyo kuwa laga yaabo in ay qaxootinnimo ku soo galaan Finland.

Taawarka saacadda leh ee Xarunta tareennada ee bartamaha Helsinki ayeey sidoo kale VR ku shitay iftiin muujinaya calanka Yukreyn.

Tallaabooyinkan ay VR qaadday ayaa waxaa soo dhoweeyay hay’adaha u doodda xuquuqul insaanka iyo kuwa u ololeeya in Ruushka loo jaro xiriir kasta oo lala leeyahay, si loogu cadaadiyo joojinta dagaalka qaawan ee uu Yukreyn ku qaaday.

Isha warka: YLE