Ururka Faca weyn ee SOCUS RY oo daahfuray Somali Cup iyo madax kala duwan oo ka soo qaybgashay

Ururka SOCUS RY oo Somali Cup qabanqaabinayay muddo ka badan 20 sano ayuu Guddoomiyaha Ururka Cabdulqaadir Macalin Cilmi (Qooje) ku dhawaaqay in Somali Cup uu furan yahay ciyaaruhuna ay noo billaabanayaan.

Somali Cup- Ciyaarta oo socota: Kuva/SSMV

Ujeedada Somali Cup ayeey mas’uuliyiinta SOCUS Ry ku sheegeen in ay ugu mudan tahay ka weecinta dhallinyarada mukhaadaraadka iyo falalka kale ee mugdi gelin kara mustaqbalka da’yarta Soomaaliyeed ee dalka Finland ku dhaqan.

Sannadkan waxaa qabanqaabada Somali Cup u xilsaaran Abdullahi Abdishukri Husseein.

Martisharafka ciyaarta Kuva- SSMV

Somali Cup oo sannad kasta la qabto xilliga xagaaga ayaa waxaa maalinta koowaad ee furitaanka Somali Cup foodda iskudaray kooxaha kala ah:

17.7.2021:

Fc länsimäki vs Fc bushaaro/dahabshiil 2-1

Fc somfin vs Fc puistola 4-2

Somali Cup oo socon doona tan iyo 1.8.2021 waxaad natiijada ciyaarahan kala socon doonaa maalinkasta SSMV

SSMV