Ururka Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida (SSV) oo kulan xogwareysi iyo soo dhoweyn ah la yeeshay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee JFS Khadija Mohamed Almakhzumi iyo wefdi ay hoggaaminayso

Sawirka-SSV

Kulan ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen wakiillada ururada ku mideysan Ururka Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida oo lagu soo dhoweynayay islamarkaasna lagu xogwareysanayay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilmada Khadija Mohamed Almakhzumi ayaa ka dhacay maanta xarunta ururka ee magaalada Helsinki.

Kuva SSMV

Kulanka ayaa waxaa furay xildhibaanad Habiba Ali, Gudoomiyaha Ururka Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida kaddibna waxay ku codbaahiyaha ku wareejisay Maamulaha Ururka Mari Tuohimaa, taas oo sharraxday ajandayaasha kulanka looga hadlayo.

Mari Tuohimaa ayaa dhanka kale faahfaahin dheeraad ah ka bixisay mashaariicda uu ururka Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida ka fuliyay iyo kuwa uu hadda ka fulinayo guud ahaan Soomaaliya.

Mashaariicda arrimaha deegaanka ee uu ururka Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida ka fuliyay welina ka fulinayo Soomaaliya ayaa ah kuwa looga hortegayo xaalufka deegaanka, islamarkaasna lagu beerayo dhir dadka iyo deegaankaba waxtar u leh.

Wasiirad Khadija Mohamed Almakhzumi ayaa ka hadashay kulamadii ay la qaadatay madaxda dalka Finland gaar ahaan dhiggeeda Finland Maria Ohisalo iyo wasiirka arrimaha dibadda Finland Pekka Haavisto. Wasiiradda iyo wefdigeeda oo safar shaqo ku jooga Finland ayaa sidoo kale sheegtay in ay booqatay goobo udud-dhexaad u hawlaha ay Finland uga gaashaamanayso isbeddelka cimilada.

Wasiiradda ayaa ka mahadcelisay sida wacan ee loogu soo dhoweeyay Finland, gaar ahaan taageerada ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland u muujiyeen intii ay halkan Finland joogtay.

Barbaariso iyo Qoraa Nimco Nor oo kulanka ka soojeedisay warbixin ku saabsan sida carruurta iyo dadka waaweynba loo bari karo kahortagga isbeddelka cimilada iyadoo la adeegsanayo goobaha waxbarashada ayaa ku nuuxnuuxsatay in loo baahan yahay, in dadka gaarka jiilka cusub la baro sida deegaanka loo dhaqaaleeyo.

SSMV