Haweeney ku geeriyootay gudaha xarunta dukaamada ee Iso Omena xilli ay ilaalada suuqu gacanta ku hayeen

Iso Omena- Kuva SSM

Espoo- Fiidkii hore ee Sabtidii shalay ahayd (7.1.2023) ayeey ilaalada suuqa Iso Omena waxay xoog u qabteen islamarkaasna dhulka ku celiyeen haweeney sida la sheegay ilaalada ka diidday amar ay siiyeen.

Muddo kooban oo ay ilaalada suuqu gacanta ku hayeen haweeneyda ayeey dad goobjoogayaal ah sheegeen in ay dhowr jeer maqleen haweeneyda oo ku qaylinasa “ma neefsan karo”.

Waxyar kaddib ayaa waxaa la dareemay in haweeneydu aanay nuuxsanayn waxaana la iskudayay in la soo naaxiyay, laakiin taas laguma guuleysan.

Booliska iyo gurmadka degdegga ah oo goobta soo gaaray ayaa sheegay, in haweeneydu ay naf-baxday.

Booliska oo shalay dhacdadan uga hadlay si taxaddar ah ayaa maanta ku dhowaaqay in ay kiiska baarayaan.  ”Waxaan baaraynaa kiiska innagoo ka eegeyna dhinaca ”Dhimasho sababidda” – ayaa lagu yiri war maanta booliska ka soo baxay.

Dhanka kale waxaa hadda socda baaritaan ay xirfadlayaasha caafimaadku ku samaynayaan meydka haweeneydaas iyo sababta keentay dhimashadeeda.

Dhacdadan ayaa imaanaysa, xilli ay boolisku baaritaanno ku hayaan tacaddiyo u muuqda kuwa abaabulan oo ay geysteen qaar ka tirsan shaqaalaha ammaanka ee shirkadda AVARN oo inta badan ilaalisa maxaddooyinka metrooga iyo tareennada caasimaadda iyo agagaarkeeda.

Isha warka: Booliska iyo warbaahinnada gudaha dalka