Qaadista saamiga feyruska korona oo soo daahis ba’an ay ka jirto

Qaadista saamiga feyruska korona, baaristiisa iyo soo sheegista natiijada ayaa waxaa ka jirta soo daahis aad u weyn dhanka waaxda caafimaadka ee Helsinki iyo gobolka Uusimaa.

Haweeney reer Helsinki ah oo Isniintii la soo dhaafay gaysay carruur ay dhashay oo 1 sano iyo 4 sano jir ah, ayaa markii ay Jimcihii wacday si ay u hesho natiijada, waxaa loo sheegay in aan xitaa wali baaritaan lagu samaynin.

Haweeyneydaas oo ay khasab ku tahay in maalinta Isniinta ah ee 31.8 ay bilowdo goobta shaqadeeda cusub, ayaa waxay tagtay xarumaha caafimaadka ee khaaska ah si baaris degdeg ah loogu sameeyo.

Sidoo kale waxaa jirta in baaritaannadii la qaaday qaarkood in aan marnaba qofka loo soo sheegin. Aabe reer Helsinki ah ayaa shaagay, in uu will yar oo uu dhalay oo laba sano jir ah geeyay 21-kii bisha Agoosto baaritaanka saamiga feyrsuka korona, illaa iyo haatanna aan wax natiijo ah loo soo sheegin.

Lasse Lehtonen oo ka tirsan qabyta cudur aqoonsiga ee isbitaalka jaamacadda HUS, ayaa sheegay in la xlalliyay intii ugu badnayd arrinka ku saabsan daahista ama dibudhaca sidii uu qofku ku heli lahaa qaadista saamiga baaritaanka feyruska korona, oo haatan si fudud lagu heli karo.

”xilligaan haatan ah saami qaadista waxaa uu qofku ku helayaa afar iyo labaatan saac gudahood”, ayuu yiri Lehtonen.

Dhinaca kale baarista dhanka sheybaarka ee saamiga la qaaday waxaa uu qaataa haatan ayuu yiri Lehtonen muddo dhan 80 saacadood. ” Hadafka aan tiigsaneyno waa inaan ka dhigno in baaristu ay qaadato ugu badnaan 48 saacadood.

Sida uu Lehtonen sheegay soo daahista baarista feyruska korona waxaa sababaya arrimo dhowr ah.  Baaritaannada waxaa lagu sameeyaa shaybaarada HUS iyo kuwo ka baxsan sida kuwa Mehiläinen. Sida uu sheegay Lehtonen waxyaabaha sababa daahista waxaa ka mid ah in mararka qaarkood ay dhammaadaan sanduuqa logu talaggalay in lagu soo qaado saamiga, waayo ayuu yiri sanduuqyada baakadka ka sameysan ee sida fudud lagu heli karo laguma soo qaadi karo saamiga.

Sidoo kale waxaa dhibaatooyinka qaarkood ka mid ah ayuu yiri, in saamiyada lagu soo qaado sheybaarada ka baxsan kuwa isbitaalka jaamacadda, mararka qaarkood si khalad ah macluumaadka loogu soo qoro.

Waxaa uu Lehtonen sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay xoghayntooda gaarka ah u diri doonaan soo qaadista saamiyada iyaga ka baxsan, si macluumaadka qofka loo soo hubiyo.

Sida uu Lehtonen shegay waxaa xilligaan haatan ah sheybaarka isbitaalka jaamacadda HUS lagu sameeyaa 3000-4000 oo baaritaan ah maalinkii.

Isha warka /Yle