Finland waxaa laga helay maanta 367 qof oo cusub oo qaba feyruska korona ah iyo 13 xaaladood oo dhimasho ah

Arbaca 23.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 367 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 34 084 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 58 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 202 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 82 qof laga helay, iyo waaxda caafimaadka ee Keski-Suomi oo 16 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota:  Helsinki: 101 qof, Turku: 58 qof, Vantaa: 56 qof, Espoo: 19 qof, Jyväskylä: 15 qof, Tampere: 11 qof, Järvenpää: 6 qof, Hämeenlinna: 6 qof, Maarianhamina: 5 qof, Joensuu: 5 qof, Lieto: 5 qof,  Kerava: 5 qof, Pieksämäki: 4 qof, Oulu: 4 qof, Salo: 3 qof, Hyvinkää: 3 qof, Kaarina: 3 qof, Nurmijärvi: 3 qof, Vaasa: 3 qof, Raisio: 3 qof, Masku: 3 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 258 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 524 qof, kaddib markii 13 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona awgiis, sida ay sheegtay hay’adda THL gelinkii dambe ee maanta.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 24 443 237   78 469 673
 

Tirada u dhimatay feyruska

    529 684      1  726 392

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 18,6   milyan  100 080    3 376 330 824
  2 Hindiya 10,1   milyan    23 886       331 146 476
  3 Baraaziil 7,32   milyan    55 799       963 188 285
  4 Ruushka 2,90   milyan    28 776       561   51 192
  5 Faransiiska 2,49   milyan    11 795       487   61 702
  6 Ingiriiska 2,11   milyan    36 804       691   68 307
  7 Turkiga 2,06   milyan    19 256       251   18 602
  8 Talyaaniga 1,97   milyan    13 318       628    69 842
  9 Spain 1,83   milyan      8 544       260    49 520
10 Jarmalka 1,56   milyan     22 495       944    28 241
11 Arjantiin 1,55   milyan       8 141       257    42 254
12 Kolombiya 1,53   milyan     12 526       251    40 931
13 Meksiko 1,32   milyan       5 370       396  118 598
14 Poland 1,21   milyan       7 189       309    25 783
15 Iiraan 1,17   milyan        6 208       187    54 003
16 Peru 1,00   milyan        1 6 78         45    37 218

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS