Finland waxaa laga helay maanta 358 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 12 xaaladood oo dhimasho ah

Khamiis 17.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 358 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 32 228 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 65 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 214 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 55 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (132), Turku (34), Vantaa(33), Espoo(20), Nurmijärvi (5), Järvenpää (4), Kerva (4), Tuusula (4), Tampere (6), Jyväskylä (6), Kajaani (6), Oulu (5), Lahti (5), Kaarina (5), Pori (4), Hämeenlinna (4), Raisio (3), Lieto (3), Loimaa (3), Naantali (3), Vaasa (3), Korsnäs (3), Uurainen (3), Litti(3),  gobollada Pohjois-Savo iyo Etelä-Savo oo min 4 xaalaldood ah.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 264 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 27 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 484 qof, kaddib markii sida ay sheegtay hay’adda THL ay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 12 qof oo hor leh u dhinteen feyruska awgiis.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

2o 575 303   74 654 910
 

Tirada u dhimatay feyruska

    479 961      1  657 939

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 17,3   milyan  248 686    3 538 314 629
  2 Hindiya 9,95   milyan    18 164       357 144 487
  3 Baraaziil 7,04   milyan    68 437       968 183 822
  4 Ruushka 2,73   milyan    26 509       596   48 564
  5 Faransiiska 2,40   milyan    17 615       289   59 361
  6 Turkiga 1,92   milyan    29 718       240   17 121
  7 Ingiriiska 1,91   milyan    25 161       612   65 520
  8 Talyaaniga 1,88   milyan    17 572       680   66 537
  9 Spain 1,78   milyan    11 078       195   48 596
10 Arjantiin 1,51   milyan       6 843       161   41 365
11 Kolombiya 1,45   milyan     11 953       204   39 560
12 Jarmalka 1,40   milyan     28 969       749   24 441
13 Meksiko 1,26   milyan     11 228       801  115 099
14 Poland 1,15   milyan     12 454       605    23 914
15 Iiraan 1,13   milyan        7 603       213    52 883

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS