Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda feyruska korona ee Finland iyo Caalamka intiisa kale – Cabsida Korona laga qabo oo sii korortay

Espoo 14.8.2020– Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 17 qof oo cusub, sidaana waxaa sheegtay Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL.

Tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska korona ee dalkan Finland waa 7 700 oo qof. Ma jiraan wax dad ah oo u dhintay maanta feyruska korona.  Daryeel isbitaal waxaa haatan ku jira 6 qof, mana jiro qof ku jira xarunta daryeelka degdegga ah.

Ingiriiska waxaa maanta laga helay 1441 kiis cusub oo qaaday feyruska korona, waana tiradii ugu badneyd wixii ka dambeeyay 14-kii bisha Juun, sida lagu sheegay tirakoob ay dowladda ingiriisku soo saartay. Waxaana dalkaas ingiriiska lixdiii maalmood ee ugu dambeeysay laga helay feyruska korona tiro ka badan 1000 qof.

Dalka Isbeyn (Spain) ayaa lagu soo waramayaa in xaalkiisu uu ka soo daraayo, taasoo keentay in dowladda isbeyn ay soo rogto amarro cusub oo looga hortagaayo faafista xanuunka oo ku soo labakacleeyay dalkaas.

Waxaa la xirey dhammaan naadiyadii caweyska (kalaabyadii). Sidoo kale waxaa ay dowladdu diidday in bannaanka sigaar lagu cabo, iyadoo aanay dadku isu jirin masaafadii dhanka ammaanka aheyd ee la soo jeediyay.

Wasiirka caafimaadka ee dalkaas Isbeyn Salvador Illa ayaa sheegay, in dowladdu ay ku boorineyso dadweynaha inaanay isugu imaan kulamo ka badan 10 qof.

New-Zealand wararka ka imaanaya ayaa iyaguna sheegaya in magaalada Auckland la kala xirey gebi ahaanteedba muddo 12 maalmood ah, si looga hortago faafista cudurka.

Ra’iisulwasaaraha New-Zealand Jacinda Arden ayaa maanta ku dhawaaqday in go’aankaas kala xirnaanta ah uu bilaabanaayo maanta, waxaana dadweynaha loo sheegay in aanay si macno darro ah dibadda ugu soo bixin, waxaana la xiray goobihii la isugu iman jirey ee guud iyo goobo ganacsi ah oo dhowr ah.

Arrinkaan ayaa soo baxay kaddib markii dalka New-Zealand talaadadii la soo dhaafay lagu soo warramay in laga helay xaalado cusub oo feyruska korona ah, kaddib markii xaaladda dalkaas ay aheyd mid deggan oo muddo 102 maalmood ah aan laga helin wax xanuun ah oo la xiriira feyruska korona.

Dalalka Laatiin Ameerika ayuu si aad ah ugu faafayaa feyruska korona. Dalka Meksiko ayaa waxaa khamiistii laga helay 7 371 qof oo qaaday feyruska korona, halka dhimashaduna ay aheyd maalin kaliya 627 qof. Guud ahaan tirada uu ku dhacay feyruska korona ee dalka Meksiko ayaa gaareysa 505 751 oo qof, tirada guud ee dhimashaduna waa 55 293 qof.

Dalka Baraaziil waxaa afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhafay laga helay feyruska korona in kabadan 60 000 oo qof. Waxaa xanuunka u dhintay maalin kaliya 1 261 qof.  Tirada guud ee xanuunka laga helay dalkaas Baraaziil waxaa ay gaareysaa 3,2 milyan oo qof, waxaana u dhintay 105 463 qof.

Waxaa qoray: Abdirizak Sugulle