Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda feyruska Korona iyo tirada oo kordhaysa

Sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka iyo Nololwanaagga Finland (THL), waxaa dalkan Finland tirada laga helay feyruska korona ee maanta ay tahay 29 qof. Waxaana wadarta guud ee dadka uu ku dhacay feyruska korona ay noqoneysaa 7 805 qof.

Gobolkan Uusimaa ee caasimadda iyo nawaaxigeeda ayaa ugu badan tirada laga helay feyrsuka, taasoo noqoneysa 18 qof (Helsinki 5 qof, Vantaa 5 qof, Espoo 6 qof).

Sida ay sheegtay hay’adda THL ma jirto wax dhimasho cusub oo feyruska korona awgiis ah oo ka dhacday dalkan Finland. Tirada guud ee u dhimatay Korona dalkaan Finland waa 334 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaal ugu ira 8 qof, halka tirada dadkaas daryeelka caafimaad ku jira ay Isniintii ka aheyd 5 qof. Wararku waxay intaas ku darayaan in hadda aanay cidna ku jiran xarunta ama qaybta daryeelka degdegga ah ee isbitaallada lagu dabiibo dadka qaba xanuunka Korona.

Ustaad Abdirizak Sugulle