Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 196 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Axadda 25.10.2020 laga helay feyruska korona 196 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 14 848 qof.

Meelaha ugu badan ee cudurku aadka ugu faafayo waa magaalooyina kala ah, Helsinki 48, Espoo 33, Vantaa 24,Kouvola 17, Oulu 14, Turku 12, Kuopio 9.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 70 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 11 kamid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.

Magaalada Riihimäki oo 69 qof la geliyay karantiil

Maamulka magaalada Riihimäki ayaa sheegay in uu jiro tuhun laga qabo in isikuullada Kara iyo Hajunrinne ay ka dhaceen xaalado faafista feyruska korona ah, sidaas awgeedna laga  qabanqaabin doono iskuulladaas xaalad waxbarasho oo aan caadi ahayn.

Iskuulka Kara waxaa waxbarshada dhanka internetka ah u wareegi doona laba kooxood oo arday ah iyo afar macallin. Iskuulka Hajunrinne waxaa isna waxbarashada dhanka internetka ah la gelin doonaa laba kooxdd oo ardey ah iyo sideed macallin. Tirada guud ee dadka la geliyay karantiilka ayaa ah 69 qof.

Iskuulka Kara waxaa u nuglaanta feyrusku ay ka dhacday Isniintii 19.10, iskuulka Hajunrinne waxaa isna u nuglaanta feyrusku ay ka dhacday intii u dhexeysay 19-21.10.

Tirada dadka uu ku dhacay adduunkoo dhan oo gaartay 42 milyan

 Wali waxaa cirka isku sii shareeraya tirada adduun ahaan dadka uu ku dhacay feyruska korona, iyadoo aad looga cabsi qabo in uu sii karaar qaato xilliga qaboobaha oo foodda nagu soo haya awgeed.

Sida ay tirakoob ku sheegtay wakaaladda wararka Reuters in ka badan 42 milyan oo qof ayuu ku dhacay feyrusku adduunkoo dhan, halka ay tirada dhimashadu ka gaartay Hal milyan 143 kun oo qof.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in haatan meelaha ugu darran ay yihiin dalalka dhinaca waqooyi ee adduunka, kuwaaso ay ka jirto xaalado aad u daran oo feyruska korona ah, waxaana arrinkaa uu keenay in dalalka qaarkood ay isbitaalladii buux dhaafaan.

Dalka Talyaaniga

Wararka ka imanaaya magaalada Roma ee caasimadda dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in iskahorimaad uu magalaadasi ku dhexmaray booliska rabshadaha ka hortagga iyo dad gaaraya 200 oo qof oo bannaanbaxayaal ah oo ka soo horjeeda xayiraadaha cusub ee looga hortagaayo faafista feyruska korona.  Bannaanbaxayaasha ayaa gubay haamaha qashinka, waxaana ay booliska ku tuurayeen dhagaxaan iyo rashta ama baaruudda qaraxda.

Ugu yaraan toddoba ka mid ah bannaanbaxayaasha ayaa boolisku xireen. Arrinkaan ayaa ah kii labaad ee nociisa ah oo looga soo horjeedo xayiraadaha looga hortagaayo feyruska korona ee ka dhacay dalka Talyaaniga. Sabtidii ayaa magaalada Napoli ee koonfurta talyaaniga waxaa foodda isku daray booliska iyo bannaanbaxayaal ka soo horjeeda xayiraadaha ay dowladdu ku soo rogtay magaalada.

Magaalada Warsow ee xarunta dalka Poland waxaa la xirey dad tiradoodu gaareyso 278 qof, sidaana waxaa sheegay afhayeen u hadlay booliska. Dadkaas waxaa ay dagaal kala horyimaadeen booliska, waxaana ay ka bannaanbaxayeen xayiraadaha lagu soo rogay ka hortagga faafista feyruska korona.

Dalka Poland waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay 13 628 qof oo hor leh oo qaba feyruska korona.

Dalka Jarmalka

Sida laga soo xigtay machadka Robert Koch waxaa afar iyo labataankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska korona dalka Jarmalka gudihiisa tiro gaaraysa 11 176 qof oo hor leh. Taasoo tirada guud ka dhigeysa 429 181 qof. Waxaa u dhintay feyruska awgiis afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 29 qof, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 10 032 qof.

Dalka Check

Waxaa dalkaas laga helay feyruska korona afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 12 472 qof oo hor leh, sidaasna waxaa sheegtay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysay warbixin ay soo aartay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas. Tirada dhimashada ayaa la diiwaangeliyay 106 qof.

Dalka Kolombiya

Dalka Klombiya oo tirada dadkiisu ay tahay 50 milyan oo qof, ayaa ku soo biirey dalalka tirada feyruska korona ee laga helay ay kor u dhaaftay halka milyan. Waxaana dalka Kolombiya maalin walba laga helaa feyruska in ka badan 8000 oo qof.

Dalka Argentiin ayaa horraantii toddobaadkan isna kor u dhaafay tirada halka milyan. Dalalka Peru iyo Mexico ayaa iyaguna toddobaadyada soo socda la filayaa in ay kor u dhaafaan tirada halka Milyan.

Dalka Holland

Sida laga soo xigtey howlwadeennada arrimaha caafimaadka ee Holland waxaa laga helay feyruska korona in kabadan 10 000 oo qof, taasoo ah rikoor cusub oo aan wali hore uga dhicin dalkaas.

Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska 10 203 qof.

Tirada guud ee dadka qaba feyruska laga helay Holland ayaa gaaraysa 300 000 oo qof, waxaana u dhintay in ka badan 7000 oo qof.

Dowladda Holland ayaa 14 kii bishan gaartay go’aamo cusub oo looga hortagaayo faafista feyruska. Dhammaan maqaaxiyaha iyo baararka ayaa la amray in la xiro.

Dalka Isbeyn ayaa la geliyay xaalad degdeg ah, kaasoo la doonaayo in la sii wado muddo lix bilood ah

Ra’iisul wasaaraha dalka Isbeyn Pedro Sanchez ayaa ku dhawaaqay in dalka oo dhan lagu soo rogay xaalad degdeg ah oo heer qaran ah, dhibaatada feyruska korona ee dalka ka jirta awgeed. Waxaana sidaas sheegay wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP.

Xukunka degdegga ah ayaa ka bilaabanaya galabta waxaana uu socon doonaa illaa iyo muddo laba toddobaad ah. Waxaana ra’iisul wasaaruhu uu ka codsaday baarlamaanka in ay taageeraan in dalka la geliyo xaalad degdeg ah oo socon doonta ugu yaraan muddo lix bilood ah, taasoo noqoneysa illaa iyo bisha shanaad ee sannadka soo socda.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dalka laga dhaqangelinaayo bandow xagga socodka ah oo ka bilaabanaaya saacadda 23-06, sidoo kale in la xadido isu socodka gaadiidka ee gobollada dalka. Sidoo kale waxaa isu imaatinka dadka lagu xadiday in aanay ka badnaan karin 6 qof. Waxaana ra’iisul wasaaruhu uu ka sheegay telefishinka dalka , in xaaladda ay haatan Isbeyn ku jirto ay tahay mid aad u daran.

Isbeyn waa dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan midowga yurub ee tirada dadka laga helay feyruska ay kor u dhaaftay hal milyan, waxaa soo raacay oo ku xigey dalka Faransiiska.

 

Haatana shax mujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan

Dalka Tirada guud ee feyruska Tirada guud ee dhimashada Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada
Maraykanka 8,8 milyan 230 068 79 449 784
Hindiya 7,8 milyan 118 567 50 224 575
Baraaziil 5,4 milyan 156 926 25 574 398
Ruushka 1,5 milyan 25 821 16 521 296
Spain 1,1 milyan 34 752 19 851 231
Faransiiska 1,086 milyan 34 645 45 422 137
Argantiin 1,081 milyan 28 613 11 968 277
Kolombiya 1,007 milyan 30 000   8 769 198

Xigasho: YLE, HS