Finland waxaa laga helay maanta 483 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 6 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Arbaca 30.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 483 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 35 858 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 64 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 247 qof, Gobolka Varsinais-Suomioo 61 qof ah iyo Gobolka Pirkanmaa oo 29 qof ah.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 120 qof, Vantaa: 78 qof, Turku: 43 qof, Espoo: 27 qof, Tampere: 14 qof, Jyväskylä: 12 qof, Lahti: 11 qof, Vaasa: 8 qof, Oulu: 7 qof, Kaarina: 6 qof, Salo: 5 qof, Ylöjärvi: 5 qof, Kitee: 5 qof, Porvoo: 5 qof, Kotka: 4 qof, Tornio: 4 qof, Lapeenranta: 3 qof, Hyvinkää: 3 qof, Kuopio: 3 qof, Hamina: 3 qof, Raiso: 3 qof, Maalahti: 3qof, Hämeenlinna: 3 qof, Järvenpää: 3 qof, Mustasaari: 3 qof, Sievi: 3 qof, Kouvola: 3 qof, Brändö: 2 qof, Valkeakoski: 2 qof, Laukaa: 2 qof, Pirkkala: 2 qof, Pori: 2 qof, Uusikaupunki: 2 qof, Nokia: 2 qof. Magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 221 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 30 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 556 qof, kaddib markii ay hay’adda THL soo gudbisay maanta dhimashada 6 qof oo hor leh.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 25 79888 173    82 421 357
      561 546    1  799 076

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 20    milyan  194 860   3 398 346 579
2 Hindiya 10,2 milyan    20 529      285 148 475
3 Baraaziil 7,56 milyan    57 227   1 075 192 716
4 Ruushka 3,10 milyan    27 002      562   55 827
5 Faransiiska 2,57 milyan     11 395      468   64 078
6 Ingiriiska 2,38 milyan     53 135      414   71 567
7 Turkiga 2,17 milyan     15 805      253   20 388
8 Talyaaniga 2,06 milyan     11 212      659   73 029
9 Isbeyn 1,90 milyan     11 985      320   50 422
10 Jarmalka 1,69 milyan     19 062   1 244   32 420
11 Kolombiya 1,61 milyan     11 015      246   42 620
12 Arjantiin 1,60 milyan      11 650      150   43 018
13 Meksiko 1,39 milyan        5 966      429  122 855
14 Poland 1,27 milyan        7 739      307    27 454
15 Iiraan 1,21 milyan        6 108      132    54 946
16 Ukrine 1,03 milyan        6 988      232    18 081
17 K/Afrika 1,02 milyan        9 580      497    27 568
18 Peru 1,01 milyan         1 588        49    37 574

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS