Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 104 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 

Finland waxaa laga helay 104 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 Isniin 16.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 104 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 19 419 qof.

Meelaha ugu badan ee laga helayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 78 xaaladood oo cusub. Helsinki: 35 qof, Vantaa: 23 qof, Espoo: 13 qof, Oulu 5 qof, Kouvola 5 qof, Kerava 2 qof, Sipoo 2 qof, Tornio 2 qof, Mikkeli 2 qof, Kruunupyy 2 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 80 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 13 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Sida ay shalay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa feyruska awgiis u dhintay 2 qof oo hor leh,  taasoo wadarta guud ee tirada dhimashada ka dhigeysa 371 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

13 887 218 54 370 186
 

Tirada u dhimatay feyruska

321 373 1 316 371

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 11,3   milyan   139 084       648 251 901
2 Hindiya 8,84   milyan     30 715       435 130 109
3 Baraaziil 5,86   milyan     14 134       138 165 811
4 Faransiiska 1,98  milyan     27 228       302    44 548
5 Ruushka 1,92  milyan     22 572       352     33 186
6 Spain 1,49   milyan     40 769
7 Ingiriiska 1,36  milyan      24 962       168      51 934
8 Arjantiin 1,31   milyan        5 645       129      35 436
9 Kolombiya 1,19   milyan        7 742       202      34 031
10 Talyaaniga 1,17   milyan      33 979       546      45 229
10 Mexico 1,003  milyan        5 860       635      98 259
Xigasho : YLE, HS, Worldmeter