WAR CUSUB- Shirkadda diyaaradaha Finland (Finnair) oo war ka soo saartay siyaasaddeeda ku aaddan shahaadada tallaalka Koronaha

Vantaa 23.4.2021- Finnari ayaa shaaca ka qaadday in dhowaan ay ka oggolaanayso dadka Finland u soo safraya shahaadada tallaalka Koronaha.

Shirkadda diyaaradaha Finnair oo dadka ay soo qaaddo horay uga doonaysay in ay haystaan shahaado caddaynaysa in qofku aanu qabin Korona ama uu horay Korona ugu dhacay ayaa shaacisay, in laga billaabo 11.5.2021 ay dadka haysta warqadda tallaalka Koronaha oo Finland u soo socda ay diyaaraddeeda soo raaci karaan iyadoo aan laga rabin shahaadada baaritaanka Koronaha.

Waxaa kale oo meesha ka baxaya sida ay shirkaddu shaacisay shardigii shahaadada caafimaadka ee ku xirnaa masaafuriinta Finland u soo socdaalayaa ee ay da’doodu ka yar tahay 16 sano.

Finnair waxay aqbalaysaa dhammaan tallaalada ay oggolaatay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Wakaaladda Daawada Yurub, haddii tallaalka la qaatay ugu yaraan saddex todobaad oo safar ka horreeysa,

Go’aanka Finnair ayaa marka uu dhaqangalo dhaqaale ahaan culayska ka yaraynaya dadka musaafurka ah ee Finland u soo safrayaa, kuwaas oo diyaaradaha shirkadda Finnair la socda, maadaama kolkii hore looga baahnaa in ay haystaan caddaynta natiijada baaritaanka Koronaha oo negatif ah, taas oo lacag dheeraad ah ay ugu bixi jirtay.

ISHA WARKA: