Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 345 qof oo hor leh iyo 28 qof oo hor oo xanuunka dartiis isbitaalka u gashay

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Isniin 02.08.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 345 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 107 666 qof.

Waxaa isbitaalka daryeel ahaan ugu jira 93 qof, tiradaasoo 28 qof ka badan tii Jimcaha.

Iskudarka guud illaa iyo 52 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 135
Espoo 38
Vantaa 33
Turku 17
Oulu 15
Kirkkonummi 9
Rauma 8
Kuopio 5
Hyvinkää 5
Mikkeli 4
Kaarina 4
Lohja 4
Joensuu 4
Säkylä 4
Kokkola 3
Taipalsaari 3
Porvoo 3
Tuusula 3
Maarianhamina 2
Vaasa 2
Kotka 2
Kajaani 2
Sipoo 2
Uusikaupunki 2
Jyväskylä 2
Tampere 2
Järvenpää 2
Raisio 2
Imatra 2
Heinola 2
Lahti 2
Kitee 2

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 65 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 7 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 984 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 11 222 oo qof, kuwaasoo 7 912 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 428 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 1 875 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 7 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 21.07).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,7 milyan oo qof, taasoo u dhigmata 66,2 % tirada dadka Finland. Labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 1,9 milyan, taasoo u dhigmata 35,1 % tirada dadka Finland (01.08.).