Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 449 qof oo hor leh iyo 5 qof oo dhintay

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Isniin 09.08.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 449 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 112 656 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 65 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 260 qof. Gobolka Varsinais-Suomi  waxaa laga helay 55 qof, gobolka Pohjois-Pohjanmaa waxaa laga helay 33 qof .

Iskudarka guud illaa iyo 65 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaaloooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska waa: t

Helsinki 121
Espoo 53
Vantaa 47
Turku 35
Oulu 24
Lappeenranta 12
Rauma 12
Kuopio 10
Jyväskylä 10
Nurmijärvi 8
Hyvinkää 8
Kokkola 7
Kaarina 7
Kirkkonummi 6
Nokia 6
Lohja 4
Salo 4
Taipalsaari 3
Mikkeli 3
Raisio 3
Lapua 3
Tampere 3
Savonlinna 3
Iisalmi 3
Lahti 3
Vihti 3
Kerava 2
Kalajoki 2
Pori 2
Järvenpää 2
Eura 2
Tuusula 2
Sipoo 2
Savitaipale 2
Vehmaa 2
Kempele 2

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 94 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 16 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 991 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 11 588 oo qof, kuwaasoo 7 947 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 444 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 2 190 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 7 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 06.08).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,7 milyan oo qof, taasoo u dhigmata 67,3% tirada dadka Finland. Labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 2,1 milyan, taasoo u dhigmata 38,7 % tirada dadka Finland (09.08.).