Finland waxaa laga helay maanta 143 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 2 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Isniin 10.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 143 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 88 866 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 929 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 38 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 23
Espoo 14
Salo 13
Lahti 13
Vantaa 12
Turku 11
Nurmijärvi 6
Kokkola 5
Oulu 4
Raisio 3
Kaarina 3
Porvoo 3
Tampere 3
Mäntsälä 2
Orimattila 2
Tuusula 2
Rauma 2
Hyvinkää 2
Hämeenlinna 2
Järvenpää 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 121 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  26 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 924 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta dhimashada 2 qof oo hor leh . Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 946 oo qof, kuwaasoo 4 924 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 020 waa nooca Koonfur-Afrika iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 07.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 944 725 oo qof (10.05).

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 159 032 796 51 402 809
Tirada u dhimatay feyruska 3 308 358 1 092 098

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 673 466 43 951 311
Tirada u dhimatay feyruska  124 715 569 432

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 22,662,410   366 499    3 748  246 146
Baraaziil 15,184,790     34 162        934  422 418
Maraykanka  33,476,781     22 200        241  595 812

 

 Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,007,792    5 712     14 173
63 Denmark 259,056    874         2 497
88 Norwey 116 365    231           767
159 Iceland  6 506                  29
42 Saudi-Arabia  426,384    942     13     7 072
133 Soomaaliya  14 415             747

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS