Finland waxaa laga helay maanta 399 xaaladood oo feyruska korona iyo 6 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Khamiis 21.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 399 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 41 565 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 64 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 237 qof, gobolka Varsinais-suomi  oo laga helay 53 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Vantaa: 83 qof, Helsinki: 78 qof, Espoo: 48 qof, Turku: 29 qof, Oulu: 18 qof, Kuopio: 15 qof, Tampere: 7 qof, Lahti: 7 qof, Joensuu: 7 qof, Raiso: 6 qof, Kaarina: 5 qof, Salo: 5 qof, Kouvola: 5 qof, laitila: 5 qof, Magaalooyinka kala ah: Kempele, Hämeenlinna, Porvoo iyo Kerava oo min 4 qof laga helay, sidoo kale magaalooyinka kala ah: Kirkkonummi, Vihti, Mäntsälä iyo Nurmijärvi oo min 3 qof laga helay.Waxaa iyana min 2 qof laga helay magaalooyinka kala ah: Loppi, Ylöjärvi, Kolari, Riihimäki, Jyväskylä, Lohja, Järvrnpää, Tornio, Rauma iyo Sipoo. Inta soo hartayna waa min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 148 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 638 qof, kaddib 6 xaaladood oo dhimasho cusub ah oo ay maanta dhacday, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga dalkaan Finland.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Kymenlaakso, Päijät-Häme,, Kanta-Häme, iyo Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Etelä-Savo iyo Lappi.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 31 293 364    97 377 997
       679 807       2 085 438

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 24,9 milyan  188 426     4 374  415 894
2 Hindiya 10,6 milyan    15 277        152  152 906
3 Baraaziil 8,63 milyan    64 126     1 382  212 893
4 Ruushka 3,63 milyan    21 152        597    67 220
5 Ingiriiska 3,50 milyan    38 905     1 820    93 290
6 Faransiiska 2,96 milyan    26 784        310    71 652
7 Talyaaniga 2,41 milyan    13 571        524    83 681
8 Isbeyn 2,41 milyan    41 576        464    54 637
9 Tuekey 2,40 milyan      6 435        159    24 487
10 Jarmalka 2,09 milyan    18 525     1 052    50 296
11 Kolombiya 1,95 milyan    17 908        390    49 792
12 Arjantiin 1,83 milyan    12 112        150    46 216
13 Meksiko 1,66 milyan    18 894     1 584  142 832
14 Poland 1,45 milyan      6 775        444    34 142
15 K/afrika 1,36 milyan    12 710        566    38 854
16 Iiraan 1,35 milyan      6 182          84    57 057
17 Ukriane 1,17 milyan      4 383        212    21 258
18 Peru 1,07 milyan      5 461        113    39 157

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS