Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 184 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Khamiis 22.10.2020 laga helay feyruska korona 184 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 14 225 qof.

Waxaa feyruska laga helay 48 magaalo oo kala duwan. Meelaha ugu badan ee cudurku aadka ugu faafayo waa magaalooyina kala ah, Helsinki 47, Espoo 23, Vantaa 15, Jyväskylä 9,T urku 8, Raasepori, Kouvola, Kuopip 4.

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 65 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 7 kamid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.

Gobollada Uusimaa iyo Kanta-Häme oo lagu soo rogay bisha November xayiraad ku saabsan munaasabadaha iyo shirarka guud ee wixii ka badan 20 qof

Marka la qabanaayo munaasabadaha iyo shirarka guud ee wixii ka badan 20 qof ee gobollada Uusimaa iyo Kanta-Hame ayaa lagu soo rogay xayiraadda ku saabsan, in loo hoggaansamo tilmaanbixinta iyo kala fogaanshaha ammaanka caafimaadka, caafimaadka nadaafadda gacmaha ee ay soo jeediyeen hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga iyo wasaaradda arrimaha bulshada iyo caafimaadka, kuwaasoo looga hortagaayo faafista feyruska korona.

Taa waxaa loola jeedaa in munaasabadaha iyo shirarka guud la qaban karo wixii 20 qof ka badan, haddii tailmaanbixinaha loo hoggaansamaayo.

Koonfurta Karjala, Kumenlaakso iyo Päijät-Häme waa in ay u hoggaansamaan tilmaanbixinta iyo kala fogaanshaha wixii ka badan 50 qof ee munaasabadaha iyo shirarka guudba.

Waaxda maamulgoboleedka koonfurta-Finland ayaa maanta arrinka go’aanka ka gaartay.

Jarmalka oo tirada dadka laga helay feyruska korona ay labanlaabantay

Dalka Jarmalka markii ugu horreysay tan iyo intii uu xanuunkan safmarka ah ka bilowday, ayaa laga helay feyruska korona tiro kor u dhaafaysa 10.000, sidaana waxaa sheegtay wakaaladda wararka ee Reuteres.

Sida laga soo xigtey machadka Robert Koch waxaa taladadii laga helay feyruska 11 287, waxaaana tirada dhimshada ku korortay 39 qof, taasoo ka dhigtey 9 905.

Arbacadii ayaa feyruska korona waxaa uu ku faafay golaha dowladda, waxaana feyruska laga helay wasiirka caafimaadka ee Jarmalka Jens Spahn laba saacadood kaddib shirkii golaha wasiirada.

Sida uu sheegay afhayeenka dowladda, xubnihii kale ee dowladda ee ka qaybqaadanaayay shirka looma baahna in ay karantiil galaan, waayo shirarka waxaa la raacaa nidaamka ay howlwadeennada caafimaadku soo jeediyeen ee ah kala fogaanshaha iyo qaadashada afshareerka.

Dalka Check oo xaaladda feyrusku ay ka sii dereyso

Dalka Check oo haatan ah meesha ugu daran ee qaaradda yurub ee faafista feyrusku ka jirto, ayaa u muuqda in xaalkiisu uu ka soo daraayo. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga heley feyruska tiro gaareysa qiyaastii 15 000 oo qof. Waxaana u dhimatay xanuunka awgiis 80 qof.

Dalka Check oo tirada dadweynihiisu ay tahay 10 milyan, ayaa waxaa feyruska laga helay tiro gaareysa 209 000 oo qof, kuwaasoo saddex meeloodoo meel laga helay feyruska toddobaadkii la soo dhaafay oo kaliya. Illaa iyo haatan waxaa dalkaas Check u dhintay feyruska tiro gaareysa 1 7 39.

Waxaa ay dowaddu isku dayeysaa in ay qaabab cusub oo xadeyn ah sameyso, si looga hortago feyruska. Waxaana maanta laga biaabo la xirayaa dukaamada, suuqyada waaweyn ee ganacsiga iyo hoteellada. Waxaana sidoo kale la sii xoojiyay isticmaalka afshareerka.

Dalka Belgium

War ka soo baxay golaha dowladda Belgium ayaa shaaca ka qaaday in wasiika arrimaha dibadda ee dalkaas Sophie Wilmès oo hore loo sheegay in uu ku dhacay feyruska korona, ay haatan xanuunka awgiis gashay qaybta xaaladda aadka u daran ee isbitaalka.

Arbacadii ayay wasiiraddu sheegtay in uu ku dhacay feyruska korona.

Dalalka Faransiiska iyo Isbeyn oo tirada dadka laga helay feyruska ay kor u dhaaftay Hal milyan

Dalka Faransiiska tirada dadka laga helay feyruska ayaa kor u dhaaftay Hal milyan.  Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska 26, 676 qof oo hor leh iyo 163 dhimasho ah. Tirada dhimashada ayaa haatan guud ahaan mareysa 34 000 oo qof.

Dalka Isbeyn ayaa sidoo kale tirada dadka laga helay feyruska ayaa kor u dhaaftay Hal milyan, waxaana ay gaartay 1 miyan 46 641 qof, halka tirada guud dhimashaduna ay ka tahay 34 366 qof. Waxaana uu sidaa ku galay kaalinta shanaad ee xagga waddamada adduunka. Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay oo kaliya waxaa laga helay dalka Isbeyn 17 156 qof iyo 156 dhimasho ah.

Yurub illaa iyo haatan dalka ugu badan ee laga helay feyruska korona waa Ruushka oo uu ku dhacay dad gaaraya 1.4 milyan.

Adduunka oo dhan 7 dal ayaa tirada dadka laga helay ay kor u dhaaftay Hal milyan, waxaana kaalinta koowaad kaga jira dalka Maraykanka oo feyruska laga helay in ka badan 8,3 milyan.

Xigasho: YLE,HS, ALJAZEERA