Wax kabadan Lix qof in ay meel isugu yimaadaan ayaa la diiday gobolka Uusi-maa ee caasimadda iyo nawaaxigeeda

Jimce 19.02.2021. Waaxda caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa ayaa laga soo saaray go’aanka ah in Lix qof ka badan aanay isugu imaan karin munaasabadaha iyo shirarka guud.  Waaxda maamulgoboleedka Koonfurta Finland ayaa maanta arrinkaas go’aan ka soo saartay, kaasoo ku saabsan sii adkaynta xadeynta hore loogu sameeyay isuimaatinka munaasbadaha iyo shirarka guud ee waaxda Heslinki iyo Uusimaa. Sababta go’aankaan lagu saleeyay ayaa ah sida ay sheegeen waaxda maamul goboleedka Koonfurta Finland, xaaladda cudurka safmarka ah ee feyruska korona ee gobolkaan Helsinki iyo Uusimaa oo ka soo daraysa.

Go’aankaan ayaa shaqayn doonaa laga bilaabo 22 bishan Feberaayo illaa iyo 14-ka bisha Saddexaad. Waxaana go’aankaan lagu beddeli doonaa kii hore u jirey ee lagu joojiyay in 10 qof wax ka badan aanay isugu imaan karin munaasabadaha iyo shirarka guud.

Xigasho: YLE