Finland waxaa laga helay 61 xaaladood oo ah nooca feyruska cusub ee korona

Nooca cusub ee feyruska korona waxaa Finland laga helay 61 xaaladood, sidaana waxaa sheegay dhakhtarka sare ee ka tirsan hay’adda THL Taneli Puumalainen. Nooca feyruska ka soo ifbaxay ingiriiska ee loo yaqaan Variantti waxaa laga helay Finland 59 xaaladood, nooca cusub ee laga helay Koonfur-Afrika waa 2 xaaladood.

Feyruska Variantti ee Ingiriiska ee laga helay Finland, 39 ka mid ah waxaa uu ka yimid dalka Ingiriiska, 4 dalka Sweden, 3 xaaladood dalka Ghana. 10 xaaladood waxaa ay ka yimaadeen dalal kala duwan, 3 xaaladoodna lama yaqaan dalka ay ka yimaadeen.

Sida ay sheegeen koox cilmibaarayaal ah oo u dhashay dalka Ingiriiska, noocan cusub ee feyruska korona ee laga helay dalka Ingiriiska oo loo yaqaan Variantti, waxaa uu 56% dhanka faafiska ka dhakhso badan yahay feyruskii hore ee korona , hase yeeshee waxaa ay cilmibaarayaashu sheegeen in aanu u muuqan inuu xagga cudurka ka khatar badan yahay kii hore u jirey.

Cilmibaarayaashu waxaa ay soo jeediyeen, in faafista noocan cusub ee feyruska korona ah lagu joojin karo oo kaliya, iyadoo la xadeeyo dhaqdhaqaaqa dadka. Waxaana ay tusaale ahaan u soo qaateen in la xiro iskuullada iyo macaahidda.

Dhanka kale hay’adda caafimaadka adduunka WHO ayaa ka digtay in uu soo ifbaxay nooc kale oo cusub oo feyruska korona ah oo welwel aad u badan leh, kaasoo lagu arkay dalka Japan, ayna dhici karto in uu ka hortago difaaca jirka, waxaana ay hay’addu sheegtay in noocan cusub uu baahan yahay in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo. Hay’addu waxaa ay sheegtay in tan iyo inta ay sii socoto faafista faraha badan ee feyruska korona, ay suurtaggal tahay in uu isu bedbeddelo hadba noocyo cusub oo kuwii hore ka dhakhso badan xagga faafista.

Nooca cusub ee feyruska korona ee dalka Ingiriiska laga helay, waxaa uu illaa iyo haatan ka soo ifbaxay 50 dal oo ka mid ah waddamada adduunka, halka nooca cusub ee feyruska korona ee laga helay Koonfur-Afrika uu ka soo ifbaxay 20 dal oo waddamada adduunka kamid ah.

Xigasho: YLE, ALJAZEERA