Finland waxaa laga helay maanta 791 qof oo uu ku dhacay feyruska korona ah

Sabti 27.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 791 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 75 545 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 539 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 81 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 458 qof, gobolkaVarsinais-Suomi oo laga helay 77 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 81 qof  iyo Päijät-Hämeoo laga helay 41 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 227 Salo 4
Vantaa 84 Kirkkonummi 4
Espoo 82 Joensuu 4
Turku 54 Sipoo 4
Tampere 52 Savonlinna 3
Lahti 32 Virrat 3
Nokia 16 Raisio 3
Kotka 12 Vihti 3
Lappeenranta 12 Porvoo 3
Kerava 11 Heinola 3
Jyväskylä 11 Hamina 3
Kuopio 11 Jämsä 3
Hyvinkää 10 Maarianhamina 2
Mikkeli 10 Pirkkala 2
Laukaa 9 Karkkila 2
Järvenpää 9 Kaarina 2
Hämeenlinna 9 Taipalsaari 2
Pori 7 Ylöjärvi 2
Nurmijärvi 7 Koski Tl 2
Imatra 6 Kankaanpää 2
Kouvola 6 Suintio 2
Tuusula 6 Huittinen 2
Hollola 6 Mäntsälä 2
Lieto 4 Vaasa 2

 

Inta kale ee magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 313 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  59 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 817 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay in shalay 2 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona. Waxaan toddobadii maalmood ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 12 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 584 qof, kuwaasoo 2 403 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 180-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 832 602 oo qof (27.03)

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 

45 515 718

 

126 841 931

 

 

Tirada u dhimatay feyruska

 

 

939 311

 

 

2 782 102

Xigasho: YLE, HS,WORLDOMETERS