Finland waxaa laga helay maanta 367 xaaladood oo feyruska korona ah

Axad 31.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 367 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 45 238 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 71 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 158 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 45 qof, iyo gobolka Keski-Suomi oo laga helay 44 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 85 qof, Jyväskylä: 40 qof , Tampere 31 qof , Espoo: 27 qof Vantaa: 26 qof , Turku: 14 qof, Vaasa: 10 qof, Järvenpää: 7 qof, Hämeenlinna: 6 qof, Kuopio: 6 qof, Savonlinna: 6 qof, Oulu: 6 qof, Lahti: 6 qof, Tornio: 4 qof, Pori: 4 qof, Raisio: 4 qof, Kerava: 4 qof, Magaalooyinka kala ah: Kangasala, Kouvola, Lempäälä, Närpiö, Sotkamo iyo Kotka oo min 3 qof ah, iyo magaalooyinka kala ah: Loimaa, Pälkäne, Hyvinkää, Nokia, Pitarsaari, Lohja, Karvia, Lieto, Uusikaarlepyy, Loppi, Korsnäs, Hautala, Askola iyo Sastamala oo min 2 qof ah. Inta kale ee magaalooyinka soo hartayna waa min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 126 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 20 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 671 qof.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 144 520 qof (30.1).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

     33 290 351    103 214 008
         736 021       2 231 158

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 26,655,740 140 732    2 889  450 381
2 Hindiya 10,747091   13 065       128  154 312
3 Baraaziil 9,176,975    57 498     1 196  223 971
4 Ruushka 3,832,080    19 032        512   72 697
5 Ingiriiska 3,796,088    23 275     1 200  105 571
6 Faransiiska 3,177,879    24 392        242    75 862
7 Isbeyn 2,830,478                58 319
8 Talyaaniga 2,541,783    12 715        421    88 279
9 Turkey 2,470,901      6 871        129    25 865
10 Jarmalka 2,217,234      9 841        460    57 512
11 Kolombiya 2,086,806      9 173        366    53 650
12 Arjantiin 1,922,264      6 902        156    47 931
13 Meksiko 1,841,893    16 374     1 434  156 579
14 Poland 1,508,679      5 869        303    37 082
15 K/afrika 1,449,236      5 297        318    43 951
16 Iiraan 1,411,731      6 317          82    57 889
17 Ukriane 1,216,278      4 685        149    22 628
18 Peru 1,133,022      7 147        171    40 857
19 Indonesia 1,066,313     14 518        210    29 728

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS