Labo qofood oo ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay magaalada Vantaa

Sawirka: Mahad Sheikh Musse Duceysane/Suomen/ Somali Media/Keyd-sawirku warkan lama xiriiri

War ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in gaari nooca yar ah oo xawaare sare ku socday uu jidka ka baxay kaddibna uu ku dhacay xayndaabka dhabbaha. Shilkan ayaa sababay dhimashada darawalkii gaariga waday iyo qof gaariga la saarnaa.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in ay baarayaan aqoonsiga labadan qofood ee shilkan ku geeriyootay kaddibna ay farriinta dhimashada la wadaagi doonaan ehelka dadkan shilka ku dhintay.

Waxaa intaas dheer in boolisku ay baarayaan sida uu shilku u dhacay.

Isha warka: Booliska