Ogeysiis ku wajahan dadka u safraya dalalka Etiopia iyo Kenya

Photo credit: Google Earth/screenshot

Dadka u safraya dalalka Etiopa iyo Kenya waxaa lagu wargelinayaa in hadda wixii ka dambeeya ay dalalkaas joojiyeen viisaha laga qaadan jiray gegida dayuuradaha ee dalalkooda, waxaana arrinkaas lagu beddelay in qofkii doonaya inuu u safro dalkaas uu viisaha ka dalban karo dhanka internetka.

Qofkii isagoo aan visaha wadan taga gegida dayuuradaha ee dalka uu ka dhoofayo, dib ayaa loo soo celinayaa, haddii tigidkiisu uusan caymis ku jirin ama ahayn kan la dib-dhigi karo ama la beddeli karo taariikhda safarkana, waa uu ka khasaarayaa.

Haddaba si aysan dhibaatadaas kuugu dhicin, kahor inta aadan goosan tigidhka, ka dalbo viisaha dhanka internetka.

Linkiga laga dalban karo viisaha dalka Etiopia.   http://www.evisa.gov.et/

Linkiga laga dalban karo viisaha Kenya:  https://kenya-trip.com

SSM verkosto