Xukuumadda Finland oo isbeddello waaweyn ku samaynaysa islamarkaana adkaynaysa nidaamka dalka lagu soo galo, magangelyada, qaadashada dhalashada Finland iyo sharciga degganaansha ee dalka- todobada (7) arrin ee isbeddelka lagu samaynayo

Sisäministeriön logo Kuva/Abdi Musse/SSMV

Kaddib markii ay Finland ka hanaqaadday xukuumad wadaag ah oo ay siyaasaddeedu dhanka midigta u janjeerto, ayaa waxaa soo baxay ififaalo muujinaysa in xukuumaddu ku talajirto adkaynta arrimo badan oo si toos ah iyo si dadban u quseeya dadka soogalootiga ah iyo weliba kuwa magangelyo-doonka ah.

Arrimaha ay xukuumaddu u tafa-xaydatay in ay adkayso ayaa waxaa ugu weyn sharciga dalkan lagu dego, hababka dalka lagu soo galo iyo weliba qaxootiga dibadda laga soo qaato.

Isbeddellada la filayo in ay xukuumaddu samayso ee sida gaarka ah u taabanaya soogalootiga ayaa waxaa ugu waaweyn todobaadan qodob ee soo socda:

  1. Dib u habayn ayaa lagu samaynayaa sharciga degganaanshaha dalka ee shaqada lagu qaato. Sharciga degganaanshaha dalka ee shaqada lagu qaatay wuu dhacayaa ama burayaa haddii aanu qofku helin shaqo cusub saddex bilood oo uu shaqo la’aan ahaa kaddib. Waxaa sidoo kale isbeddel lagu samaynayaa waajibaadka saaran shaqo-bixiyaha: Shaqo-bixiyuhu waa in uu Hoggaanka socdaalka ku soo wargeliyaa dhammaanshaha xiriirka shaqada ama isbeddelka xiriirka shaqada ku yimaada, haddii kale waa la ganaaxayaa.
  2. Dadka dalka ku jooga sharciga degganaanshaha ee ardaynimada lagu bixiyo ma miciinsan karaan, yacni ma heli karaan kumana noolaan karaan lacagta kaalmada nolosha ee Finnishka. Sharciga degganaanshaha waa lagala laaban karaa, haddii ay kaalmada nolosha miciinsadaan, yacni ay lacagta kaalmada nolosha codsadaan. Qorshuhu waa in lacagta xilli-dugsiyeedka ee goobaha waxbarashada ee Finnishka la hubiyo in uu ardayga ajnabiga ah bixiyay iyo in kale.
  3. Waxaa lagu talajiraa in daryeelka bulshada iyo danaha dhaqaale ee la siiyo dadka dalka u soo guuray iyo kuwa Finland sida joogtada ah u deggan gooni laga kala dhigo. Ulajeedadu waa in dadka sida joogtada ah Finland u deggan ay xaq u leeyihiin daryeelka bulshada ee buuxa, halka taas beddelkeeda ay dadka dalka u soo guuray leeyihiin daryeelka bulshada oo la xaddiday.
  4. Waxaa lagu talajiraa in qaxootiga la soo qaato la yareeyo oo intii horay loo soo qaadan jiray barkeeda laga dhigo. Xukuumaddu waxay qorshaynaysaa in sannadkiiba ay tirada qaxootiga la soo qaato ka dhigto 500 halkii ay sannadkan (2023) ka ahayd 1050. Ujeedadu waa in la fududeeyaa habsami-socodka oggolaanshaha iyo dib u celinta qaxootiga waxaana sidoo kale laga baaraandegayaa suuraggalnimada in codsadaha magangelyada lagu celiyo dal saddexaad oo aan ahayn dalka uu ka soo jeedo.
  5. Haddii qofka magangelyo la siiyo, wakhtiga magangelyada ee ugu badan ee la bixinayo waa saddex sannadood, markaas kaddibna waa in dib loo qiimeeyaa baahida magangelyada caalamiga ah ee qofka magangelyada la siiyay kolka ay saddexda sano ka dhammaato.
  6. Helitaanka sharciga degganaanshaha dalka ee joogtada ah wuxuu shardi ahaan mustaqbalka ku xirnaan doonaa, dalka oo lix (6) sannadood la degganaado. Shuruudaha waxaa ku jira imtixaan luqadeed, labo sano oo shaqo ah oo aanay ku jirin wakhtiyo dhaadheer oo shaqo la’aan ah ama lacagta kaalmada nolosha oo la qaadanayay muddo in muddo ah iyo weliba shuruudda dhaqan-wanaagga yacni in aanu qofku dembi iyo wax lamid ah gelin. Waxaa bixinta sharciga degganaanshaha joogtada ah lagu salayn karaa marka afar sano dalka la deganaado, dakhli sannadeed ka badan 40,000 oo yuuro sannadkii qofka soo gala ama shahaadada tacliinta sare oo dalkan laga qaatay iyo weliba qofka oo leh taariikh shaqo.
  7. Waxaa sidoo kale lagu talajiraa in la adkeeyo shuruudaha lagu helo dhalashada Finland. Wakhtiga degganaanshaha dalka ee ku xiran helitaanka jinsiyadda dalkan waxaa mustaqbalka laga dhigayaa siddeed (8) sannadood, imtixaanka dhalashada iyo luqaddana waxay noqonayaan qasab. Waxaa intaas dheer in xukuumaddu ay ku talajirto in ay soo celiso ”shuruudaha dhaqaalaha nololmaalmeedka ee rasmiga ah” marka dhalashada la codsanayo.

Isbeddellada kor ku xusan ayaa ku qoran barnaamijyada xukuumadda Finland waxaana xusid mudan in wasaaradda arrimaha gudaha ee Finland ay u xilsaarantahay soo diyaarinta qaabka loo hirgelinayo isbeddelladaas.

SSMV