Finland ayaa markii ugu horaysay tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona, waxaa ay kor u dhaaftay 100 000 oo qof

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Finland oo markii ugu horaysay ay tirada guud ee dadka laga helay feyruska 100 000  kor u dhaaftay

Axad 18.07.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 180 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 100 156 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 45 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 134 qof, waxaa kaalinta labaad ku jira gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 15.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 75
Espoo 24
Vantaa 18
Turku 7
Kuopio 4
Kirkkonummi 3
Joensuu 3
Tampere 3
Kerava 3
Kouvola 2
Järvenpää 2
Vihti 2
Raisio 2
Lohja 2
Salo 2
Sipoo 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 44 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 10 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 979 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 10 241 oo qof, kuwaasoo 7 891 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 428 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 916 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 6 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 15.07).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3 565 373 oo qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 1 530 980 (18.07.).

Xigasho:YLE,HS