Finland waxaa laga helay maanta 156 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Axad 27.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 156 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 34 977 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 41 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 86 qof, Gobolka Varsinais-Suomioo 18 qof ah iyo gobolka Keski-Suomi oo ah 9 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 43 qof, Espoo: 18 qof , Vantaa: 19 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 258 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 524 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 25 348 436    80 50 898
 

Tirada u dhimatay feyruska

    547 422    1  767 468

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 19,4   milyan  160 604    1 408 339 921
  2 Hindiya 10,2   milyan    18 574       280 147 659
  3 Baraaziil 7,46   milyan    17 246       300 190 815
  4 Ruushka 3,02   milyan     29 258       567   54 226
  5 Faransiiska 2,55   milyan       3 093       146   62 573
  6 Ingiriiska 2,25   milyan     34 693       210   70 405
  7 Turkiga 2,13   milyan     15 118       253   19 624
  8 Talyaaniga 2,03   milyan     10 405       261    71 620
  9 Isbeyn 1,87   milyan     10 967       126    49 824
10 Jarmalka 1,64   milyan     10 432       189    30 157
11 Kolombiya 1,58   milyan     10 196       253    41 943
12 Arjantiin 1,58   milyan       3 713         79    42 501
13 Meksiko 1,37   milyan       9 679       665  121 837
14 Poland 1,25   milyan       5 212         69    27 061
15 Iiraan 1,19   milyan        5 760       134    54 574
16 Ukarine 1,01   milyan        7 709        121    17 702
17 Peru 1,01   milyan           772          46    37 414

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS