Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 423 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo hal qof oo u dhintay feyruska awgiis

 Axad 22.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 423 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 21 639 qof.

Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 57 magaalo. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 281 xaaladood oo cusub, Waaxda caafimaadka ee Pirkanmaa 26 qof, waaxda caafimaadka ee Pohjois-Pohjanmaa 23 qof.  Magaalooyinka sidan soo socta ayaa looga kala helay feyruska Helsinki: 145 qof, Espoo: 60 qof, Vantaa: 53 qof, Tampere: 19 qof, Oulu: 15 qof, Joensuu 14 qof, Turku: 8 qof, Rautalampi: 8 qof, Riihimäki: 7 qof, Jyväskylä:6 qof, Hyvinkää: 6 qof, Lähti:6 qof, Järvenpää: 5 qof.

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 104 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 10 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Tirada dhimashada ayaa maraysa tan iyo intii uu xanuunkaan safmarka ah ka bilowday dalkaan Finland 375 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

16 250 799 58 275 808
 

Tirada u dhimatay feyruska

368 554 1 382 149

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 12,4 milyan   172 839    1 460 261 790
2 Hindiya 9,09   milyan     45 295       499 133 263
3 Baraaziil 6,05   milyan     32 622       354 169 016
4 Faransiiska 2,12   milyan     17 881       253   48 518
5 Ruushka 2,06   milyan     24 822       467   35 778
6 Spain 1,58   milyan       42 619
7 Ingiriiska 1,49  milyan     19 875       341   54 626
8 Talyaaniga 1,38   milyan      34 767       692   49 261
9 Arjantiin 1,36   milyan        7 140       112   36 902
10 Kolombiya 1,24  milyan        7 049                175   35 104
10 Mexico 1,02  milyan        6 426        719  100 823
Xigasho : YLE, HS, Worldmeter