Finland waxaa laga helay maanta 222 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Talaada 06.07.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 91 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 96 791 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 44 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Lahti 31
Helsinki 30
Espoo 26
Tampere 24
Turku 16
Vantaa 11
Kaarina 7
Kirkkonummi 6
Kouvola 6
Ilmajoki 5
Kajaani 5
Asikkala 4
Kaavi 4
Kotka 4
Lohja 3
Porvoo 3
Hollola 3
Järvenpää 3
Jyväskylä 2
Orimattila 2
Vihti 2
Savonlinna 2
Loviisa 2
Nurmijärvi 2
Seinäjoki 2

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 41 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 9 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 974 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 9 280 oo qof, kuwaasoo 7 522 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 415 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 338 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 5 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 30.06).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3 650 000 oo qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 1,16 milyan oo qof (06.07.).