Finland waxaa laga helay maanta 348 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 2 dhimasho ah

Arbaco 07.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 348 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 80 416 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 6 900 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa 55 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 216 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 39 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 22 qof.  Sidoo kale gobolka Kymenlaakso waxaa  laga helay 17 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 105 Tornio 3
Espoo 38 Oulu 3
Vantaa 31 Kuopio 2
Turku 17 Järvenpää 2
Kotka 11 Kouvola 2
Tampere 9 Paimio 2
Nokia 9 Lemi 2
Tuusula 7 Kauniainen 2
Salo 7 Karkkila 2
Lahti 6 Pöytyä 2
Seinäjöki 6 Simo 1
Lappeenranta 6 Alajärvi 1
Jyväskylä 6 Haapavesi 1
Kerava 6 Askola 1
Raiso 5 Raahe 1
Hamina 4 Sastamala 1
Mikkeli 4 Alavus 1
Nurmijärvi 4 Lohja 1
Porvoo 4 Pornainen 1
Vihti 4 Somero 1
Kirkkonummi 3 Rovaniemi 1
Raasepori 3 Lapua 1
Pirkkala 3 Siikajoki 1
Savonlinna 3 Uusikaupunki 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 250 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  45 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 862 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 51 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 700 oo qof, kuwaasoo 2 474 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 225-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 933 227 oo qof (07.04)

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

  Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay  45 008 375  133 197 043
Tirada u dhimatay feyruska  976 380  2 889 730

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 31,560,438    62 283       906  570 260
2 Baraaziil 13,106,058    82 869    4 211  337 364
3 Hindiya 12,799,746  115 269       631  166 208
4 Faransiiska 4,841,308      8 045       398    97 273
5 Ruushka  4,597,868      8 328       389  101 106
6 Ingiriiska  4,364,529      2 379         20  126 882
7 Talyaaniga  3,686,707      7 767       421  111 747
8 Turkey  3,579,185    49 584       211    32 667
9 Spain  3,317,948      6 623        128    75 911
10 Jarmalka  2,912,636      9 600        232    77 862
11 Kolombiya  2,468,236    11 827        231    64 524
12 Poland  2,456,707      8 243          60    55 065
13 Arjantiin 2,428,029    20 870         163    56 634
14 Mexico 2,251,705      1 247         252  204 399
15 Iiraan 1,963,394    17 430          174    63 506
16 Ukraine 1,769,164    13 276          430    35 017
17 Peru 1,598,593       8 384          430    35 017
18 Czechia 1,555,255      1 411          102    27 276
19 Koonfur-Afrika 1,552,853         437            37    53 032
20 Indonesia 1,542,516       4 549          162    41 977
21 Netherlands 1,313,007       5 541            20    16 649
22 Chile 1,037,780       5 168            57    23 734
23 Canada 1,020,893       6 519            23     23 141

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS