Maqaayadaha oo lix todobaad kaddib miisaska u dhigaya macaamiisha- maanta ayaa maqaayadaha dib loo furay

Itis-ravintolat Xuquuqda sawirka: Mahad Sheikh Musse

Helsinki-19.4.02021- Laga billaabo maanta oo ku beegan 19.4.2021 waxaa dib loo furayaa maqaayadaha cuntada ee dalka Finland ka gadaal markii ay muddo lix todobaad ah xirnaayeen safmarka Koronaha dartiis.

Mudadii lixda todobaad ahayd ee ay maqaayaduhu xirnaayeen ayaa waxaa loo oggolaa oo kaliya in cuntada laga soo qaato, laakiin hadda waxaa lagu cuntayn karaa gudaha maqaayadaha.

Waxaa boorka laga jafay islamarkaasna lugaha dhulka loo dhigay kuraasta iyo miiisaska maqaayadaha ee lagu cunteeyo. Sidaas oo ay tahay, waxaa weli lagu talinayaa in kuraasta la kala fogeeyo, nadaafadda lagu dadaalo iyo in tirada markiiba gudaha maqaayadda ku cuntaynaysa la xaddido.

Saadaasha dhaqaalayahannada ee ku aaddan dib u furista maqaayadaha ah ayaa ah mid aan lagu farxayn, sababtoo ah waxay qabaan maadaama ay shaqaalaha badankood guryaha ku shaqaynayaan oo aanay tiro badan ku laaban goobaha shaqada, ay maqaayaduhu heli doonaan macaamiil aad u yar oo u soo cunto doonata, marka la barbardhigo xilliga ay shaqaaluhu ku shaqaynayaan goobaha shaqada.

SSMV