Magaalada Helsinki oo siineysa Af-shareerka dadka dhaqaale ahaan liita

Kasvomaski - Af-shareer. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somali Media

Magaalada Helsinki ayaa bilaabeysa inay siiso Af-shareerka dadka dhaqaale ahaan liito, kadib markii ay badatay tirada cusub ee dadka cudurka Korona Feyruska qaba bishii Agoosto,
Machadka Caafimaadka iyo Daryeelka Finland ee THL ayaa kugula talinaya ku isticmaalidda Af-shareerka gaadiidka dadweynaha iyo xaaladaha kale ee ay suurtagal ahayn ama adag tahay in laga fogaado is taabasho dhow.
Dawladdu waxay ku dhawaaqday in dawladaha hoose ay tahay inay ugu diyaariyaan maaskarada wajiga degganeyaasha aadka u nugul si lacag la’aan ah.

Wixii faahfaahin dheeri ah, fadlan Guji halkan