Baarlamaanka Finland oo laga aasaasay koox qaabilsan Geeska Afrika- Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo loo doortay Guddoomiyaha kooxdan

Baarlamaanka Finland ayaa laga aasaasiyay koox xildhibaanno ah oo si gaar ah u qaabilsanaan doonta arrimaha Geeska Afrika. Kooxdan oo la aasaasay Jimcihii la soo dhaafay oo ku beegnayd 27.5.2022 ayaa waxaa isla maalintaas la aasaasay ku biiray 28 Xildhibaan oo baarlamaanka Finland ka tirsan.

Xildhibaan Suldaan Said Ahmed (Xisbiga Garabka Bidix) oo islamarkii kooxdan la aasaasay loo doortay guddoomiyaha kooxda ayaa sheegay in uu si gaar ah ugu welwelsanyahay abaarta ay sii xummaysay isbeddelka cimilada iyo gaajada ka jirta gobolka Geeska Afrika.

Xildhibaan Suldaan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in booqashadiisi u dambeysay ee uu bishii Janaayo ee sannadkan ku tegay Jabuuti uu ku soo arkay dhibaato ba’an oo dhanka shaqo la’aanta ah oo dhallinyarada halkaas joogta heysata, waxaana uu war-murtiyeedka kooxdan ka soo baxay ku sheegay, in gobolka aad looga baahanyahay aqoonta xirfadeed ee Finnishka.

Dalalka dhaca Geeska Afrika ee ay kooxdan baarlamaaniga ah sida gaarka ah ula macaamilayso ayaa kala ah Soomaaliya, Djibouti, Itoobiya, Eritrea, Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed.

Xildhibaanad Inka Hopsu (Xisbiga Cagaarka) ayaa iyadana loo doortay Guddoomiye ku xigeenka kooxdan sida gaarka ah u qaabilsan Geeska Afrika. Xildhibaanad Inka ayaa sheegtay in ay ka welwelsantahay xasaradda cuntada ee ka jirta gobolkaas.

Xildhibaanadda oo hadalkeeda sii wata ayaa sheegtay, in ay muhiim tahay in gobolka lala raadiyo xal lagu hagaajinayo xaaladaha nololeed ee gobolka horumarka dhinaca dimuquraadiyadana lagu xoojinayo.

Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo ah xildhibaankii ugu horreeyay oo asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda ee ka mid noqda Baarlamaanka Finland ayaa dhanka kale kamid ah siyaasiyiinta jiilka cusub ee dalka Finland.

Waxaa kale oo xusid mudan in Xildhibaan Suldaan Said uu yahay mudane la soo doortay oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Magaalada Helsinki, caasimadda dalka Finland.

Isha warka: Baarlamaanka Finland