Finland waxaa laga helay 363 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 4 xaaladood oo dhimasho ah

Arbaca 25.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 363 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 22 652 qof.

Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 60 magaalo. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 231xaaladood oo cusub, Kaalinta labaad waxaa ku jira Waaxda caafimaadka ee Pohjois-Pohjanmaa oo 39 xaaladood ah iyo Waaxda caafimaadka ee Varsinais-Suomi 15 xaaladood.  Magaalooyinka sidan soo socota ayaa looga kala helay feyruska: Helsinki: 116 qof, Vantaa: 50 qof, Espoo: 39 qof, Oulu:32 qof, Rautalampi: 10 qof, Lahti: 9 qof, Jyväskylä: 6 qof, Turku: 6 qof, Tampere: 5 qof, Kouvola: 4 qof,

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 134 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Jimcihii kaddib 16 qof ayaa ku soo biirey daryeelka isbitaalka. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay feyruska korona awgiis u dhintay dalkaan Finland 4 qof oo hor leh, taasoo tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurka safmarka ah ka bilowady Finland  ka dhigaysa 388 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

16 888 824 59 880 240
 

Tirada u dhimatay feyruska

383 217 1 410 086

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 12,9  milyan   175 168    2 194 265 898
2 Hindiya 9,22   milyan     44 276       489 134 743
3 Baraaziil 6,12   milyan     33 445       638 170 179
4 Faransiiska 2,15  milyan        9 155       592   50 237
5 Ruushka 2,13   myan      24 226       491   37 031
6 Spain 1,61  milyan       7 221       537   43 668
7 Ingiriiska 1,53   milyan      11 229       608   55 838
8 Talyaaniga 1,45   milyan      23 232       853   51 036
9 Arjantiin 1,38   milyan        7 164       310   37 432
10 Kolombiya 1,26   milyan        7 515       198   35 667
10 Mexico 1,04   milyan        7 483      250 101 926
Xigasho : YLE, HS, Worldmeter