2 Qof oo Korona Feyrus ugu geeriyooday Finland iyo Iskuulada oo isu diyaarinaya in la xiro xiliga deyrta, haddii xaaladu faraha ka baxdo

Espoo 5.8.2020- Labo qof ayaa Korona Feyrus ugu geeriyootay dalka Finland, taasoo tirada guud ee cudurka ugu geeriyootay  ka dhigeysa 331 qof, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga Finland ee THL. 17 kiis oo cusub ayaa sidoo kale laga helay Finland, kana dhigeysa tirada guud ee laga helay cudurkan 7,483.

Gobolka Uusimaa ayaa laga helay tirada ugu badneyd ee dadka cudurkan uu haleelay oo guud ahaan ah 5,454, waxaana tirada ugu badan oo gaareysa 2,793 laga helay magaalada Helsinki, halka 856 kiis laga helay magaalada Vantaa, 218 kiis Espoo iyo 142 Tampere.

Iskuulada oo isu diyaarinaya in la xiro xiliga deyrta haddii cudurka Korona Feyrus lixaadsado.

Arday ku jirta fasal ay ku qaadanayaan cashar

Billowga sannad-dugsiyeedka deyrta ayaa si caadi ah u furmaya todobaadka soo socda, balse iskuullada ayaa diyaar garow xooggan ugu jira haddii xaalada cudurka Korona Feyrus ay sii xumaato.

“Iskuulladu waxa ay noo furmayaan iyadoo xaaladda cudurka Korona Feyrus ay deggan tahay, balse khatarta cudurka weli ma dhamaan” sidaa waxaa sheegay Olli-Pekka Heinonen oo ka tirsan Guddiga Waxbarashada Qaranka oo shir jaraa’id qabtay shalay oo Talaado ahayd.

Henonen ayaa sheegtay suurtogalnimada in iskuulada la xiro xilliga deyrta, haddii xaaladda cudurka Korona Feyrus ay kororto.

Isha Warka: Yle News

Sawirka: Yle