Gobolka Uusimaa oo muddo saddex toddobaad gudahood ah ay 4000 oo qof u nuglaatay feyruska korona – dhakhaatiirta ayaa soo jeedinaya in xafladaha iyo munaasabadaha la isugu imaanayo aanay ka badnaan 10-20 qof

Kaaliyaha dhakhtarka sare ee isbitaalka Jaamacadda HUS Eeva Ruotsalainen oo caawa marti ku ahayd barnaamijka fiidlaha ah ee A-Studio, ayaa sheegtay in haatan diiraddu ay si gaar ah u saaran tahay gobolkan Uusimaa ee caasimadda iyo nawaaxigeeda, kaasoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay tirada dadka u nuglaaday feyrsuka korona si xad dhaaf ah u labanlaabmatay.

Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa agagaarka waaxda caafimaadka ee Hus u nuglaaday feyrsuka korona 4000 oo qof. Taasoo macnaheedu yahay in qof kasta oo dadkaas ka mid ah ay tahay in la waco, karantiil la geliyo, islamarkaana la sameeyo barnaamijka raadraaca faafista cudurka.

Sida ay sheegtay Routsalainen muddo laba toddobaad gudahood ah dadka sida koox ahaanta ah ugu nuglaaday feyruska waxaa ay ahaayeen 56 kooxood oo kala duwan, halka xilligii xagaaga ee xaaladdu degganeyd ee hadda dhammaday ay shantii toddobaadba hal koox kaliya ah ka dhacaysay u nuglaanta feyruska.

Tirada u nuglaanta feyruska waxaa ay caddaynaysaa in dadku ay dib ugu laabteen noloshoodii caadiga ahayd ee ka horaysay xilligaan feyruska safmarka ah uu socdo.

Dhammaan u nuglaanshaha feyruska ee dhacay iyo kooxaha u nuglaadayba, waxaa ay ka dhaceen meelaha ay ka socdaan hawlaha nololmaameedka caadiga ah ee dadka, sida xannaanooyinka, iskuullada, goobaha shaqada, goobaha hiwaayadda iyo munaasabadaha dadka badan isugu yimaadaan.

Eeva Ruotsalainen waxaa ay dadka ku boorrineysaa in ay iska daayaan xafladaha waaweyn ee dadka badan isugu imaanayaan iyo munaasabadaha kale ee ay joogaan wax ka badan 10-20 qof.

Dadku waxaa ay xilligaan deyrta ah qabanqaabiyeen xaflado badan, kuwo waawayn iyo kuwo yaryarba. Waxaan qof kasta oo muwaadin ah ka codsanayaa in uu dareenkiisa geliyo, in cudurkan safmarka ah uusan wali dhammaan, marka la eego xaaladda dalalka adduunka ee nagu hereereysan iyo kuwa Yurub.

Waxaa haatan dadka la gudboon in ay si aad ah uga fiirsadaan qabashada xafladaha gaarka ah.  Anigu ka khabiir ahaan markaan eego xaaladda haatan lagu jiro iyo waxa aan maalin walba arkayno, waxaan ku talin lahaa in munaasabadaha la qabanqaabinaayo aysan ka badnaan 10-20 qof.

Sidoo kale Ruotsalainen waxaa ay dadka xusuusisay muhiimadda ay leedahay in la isticmaalo afshareerka (kasvomaski), waxaana ay sheegtay in isticmaalka afshareerka uu feyruska korona ka sokow, qeyb weyn ka qaadanaayo faafista hargabka caadiga ah iyo kan yimaada sannad walba dhammaadkiisa xilliga qaboobaha ee loo yaqaan infuluwensada.

Madaxa qaybta daryeelka caafimaadka ee waaxda maamul goboleedka Finland  Mikko Floréen oo isna barnaamijka marti ku ahaa ayaa sheegay, in xaaladda gobolka Uusimaa ay u muuqato mid u aad u adag oo u baahan in si dhab ah loola dhaqmo. Si kastaba waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sharci ka dejinta munaasbadaha la xiriira waxyaabaha dadka u gaarka ah aanay ahayn kuwo horyaalla hawladeennada dowladda, laakiin loo baahan yahay in qof walbaa uu isagu isku xukumo wixii dantiisa iyo tan dadkuba ay ku jirto.

Isha warka / Yle