Finland waxaa laga helay maanta 113 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Talaada 08.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 113 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 93 394 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 1 650 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 35 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 93 qof iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 18 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 111
Tampere 20
Tuusula 6
Sipoo 4
Turku 3
Savonlinna 2
Sauvo 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 60 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  11 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 959 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 7 931 oo qof, kuwaasoo 6 518 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 319 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 67 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 02.06).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 67 milyan oo qof (08.06).

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS