Wararkii ugu dambeeyay ee Feyruska Korona ee daafaha caalamka

 Tirada dadka laga helay feyruska korona ee Talyaaniga oo kor u sii kacaysa

Dalka Talyaaniga waxaa maalinkii Axadda ahayd laga helay in ka badan 1200 oo qof oo qaba feyruska korona. Sabtidiina waxaa laga helay 1071 qof.

Sida ay sheegeen hawlwadeennada dawladda, dadka ugu badan ee uu ku dhaco feyrusku waa kuwa ka soo noqonaaya safarkii fasaxa ee ay dibadaha u aadeen.

Xilligaan haatan ah waxaa dalka talyaaniga ku sugan 18 438 qof oo uu hayo cudurka feyruska korona, kuwaasoo 69 ka mid ah ay ku jiraan waaxda xaaladda degdegga ah.

Dalka Filibiin

 Dalka Filibiin waxaa maanta laga helay feyruska korona 4686 qof, waxaana u dhintay 13 qof, taasoo tirada guud ee dakda uu xanuunku ku dhacay ka dhigeysa 194 252 qof. Waxaana u dhintay 3010 qof.

Dalka Indoniisiya

Waxaa Indoniisiya maanta laga helay feyruska korona 1877 qof, iyadoo 79 qofna ay u dhinteen feyruska. Tirada uud ee Indoniisiya ee uu ku dhacay feyruska korona waa 155 412 qof, waxaana u dhintay 6759 qof.

Dalka Ruushka

Dalka Ruushka waxaa maanta laga helay feyruska korona 4744 qof oo hor leh, iyadoo ka dhigeysa tirada guud ee dadka laga helay xanuunka 961 493 qof, waana qolada afaraad ee ugu badan adduun ahaan.

Waxaana ay hawlwadeennada Ruushku sheegeen in 65 qof ay u dhinteen feyruska korona afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay, waxaana tirada guud ee feyruska ugu dhimatay Ruushka ay ka dhigeysaa 16 448 qof.

Dalka Hindiya

Tirada uu ku dhacay feyruska korona ee dalka Hindiya ayaa kor u dhaaftay 3,1 milyan, waxaana maanta oo kaliya laga helay feyruska 61 408 qof oo hor leh.

Dalka Jarmalka

Waxaa maanta laga helay feyruska korona 711 qof oo hor leh, iyadoo ka dhigeysa tiraa guud ee dalka Jarmalka laga helay 233 575 qof.

Dalka Shiinaha

Shiinaha waxaa maanta laga helay 16 oqf oo qaba feyruska Korona, waxaana ay hawlwadeennada dawladdu sheegeen in dhammaan dadka laga helay feyruska ay yihiin kuwo ka soo laabtay fasaxyo ay dibadda ku tageen.

Dalka Baraaziil

Waxaa maanta oo kaliya laga helay feyruska korona 23 421 qof oo hor leh, iyadoo tirada u dhimatay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafeyna ay tahay 494 qof.

Dalka Austaraaliya

Wararka ka imaanaya gobolka Viktooriya ee dalka Austraaliya ayaa sheegaya, in gobolkaasi markii ugu horreysay muddo 7 usbuuc ah, ay tirada dadka laga helay feyruska korona hoos u dhacday, waxaana laga helay 116 qof oo kaliya, iyadoo dhimashudna ay aheyd 15 qof.

Dalka Masar

Wasaaradda caafimaadka ee Masar ayaa sheegtay in feyruska korona laga helay dad tiradoodu gaareyso 103 qof oo hor leh, halka dhimashaduna ay ka tahay 19.

Isha warka Aljazeera.net