Wararkii ug dambeeyay ee Korona iyo Finland, Dukaan loo xiray Korona dartiis, Carwada buugaagta Helsinki oo sannadkan dhanka internetka lagu qabanayo iyo wararka kale oo badan

Wararkii ug dambeeyay ee Korona iyo Finland, Dukaan loo xiray Korona dartiis, Carwada buugaagta Helsinki oo sannadkan dhanka internetka lagu qabanayo iyo wararka kale oo badan

Finland oo laga helay feyruska 37 qof oo hor leh

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL, waxaa maanta Finland laga xaqiijiyay 37 qof oo hor leh oo uu ku dhacay feyruska korona. Wadarta guud ee tirada dadka laga helay feyruska dalkaan Finland ayaa noqoneysa 7842 qof. Tiradan cusub ee la helay waxaa gobolkan Uusimaa ay ka noqoneysaa inta qof ee laga helay 27 qof.

Maqaaxi ku taalla magaalada Oulu oo laga helay dad uu ku dhacay feyruska korona

Waxaa magaalada Oulu ka dhacaday arrin ku saabsan faafitaanka feyruska korona, kaddib markii la xaqiijiyay in qof qaba feyruska Korona uu waqti ku soo qaatay mudadadii u dhexesay galabnimadii Jimcaha iyo habeenkii Sabtida laba maqaaxiyadood oo ku kala yaalla Oulu.

Waxaa qofkaas uu tagay Maqaaxiyaha Grill iyo Amarillo. Dhammaan dadkii uu qofkaas xiriirka dhow la yeeshay waa la helay waxaana la geliyay karantiil.

Waxaa dadkii maqaaxiyahan joogay xilligaa uu qofka feyruska qabay yimid lala socodsiinayaa in ay xaaladdooda la socdaan islamarkaasna la soo xiriiraan daryeelka caafimaadka  haddii ay isku arkaan astaamaha feyruska korona  sida, qandho, dhuun xanuun, adkaanta neefsashada, murqo xanuun, calool xanuun, lallabbo ama yalaalugo , shuban, iyo urta ama dhadhanka oo taga.

Dukaanka S-Market ee Vaasa ku yaalla oo gabi ahaanba la xiray, feyruska korona awgiis

Dukaanka S-market Gerby ee ku yaalla magaalada Vaasa ayaa la xiray illaa iyo waqti dambe. Sababta arrinkaan keentay ayaa ah in shaqaalaha dukaanka qaarkood ay la kulmeen qof qaba feyruska korona. Hawlwadeennada caafimaadka ayaa ku amray shaqaalaha dukaanka in ay galaan karantiil.

Magaalada Pori oo xisadihii ardeyda dugsiga sare u wareejisay waxbarashada dhanka internetka, feyruska korona awgiis.

Magaalada Pori ayaa soo saartay amarka ah in waxbarashada ardeyda dugsiga sare sannaadkan ka qalinjabineysa loo wareejiyo dhanka internetka, si loo sugo in ardaydaasi ay si ammaan ah u dhammeystaan waxbarashadooda, islamarkaana ay imtixaannada u diyaariyaan. Waxbarashada dhanka internetka ah ayeey ku jiri doonaan muddada u dhexeysa 31.8-1.10.

Carwadii buugaaga Helsinki ee deyrta la qaban jiray oo laga dhigay dhanka internetka

Sida uu sheegay maamulka Xarunta Carwada, waxaa Carwada buugaagta Helsinki oo sannad walba lagu qaban jiray carwada Helsinki la go’aamiyay in sannadkaan aan la qaban, iyadoo munaasabaddii carwada gabi ahaanteedaba laga dhigay mid ku dhici doonta dhanka internetka.

Bandhiggii Carwada cuntada iyo khamriga ayaa isna la sheegayaa in laga dhigay mid dhanka internetka ah.

Maamulka xarunta Carwada ayaa sidoo kale sheegay in labada munaasabadood bandhiggooda dib loo qaban doono deyrta sannadka soo socoda ee 2021.

Sidaa si la mid ah ayaa bandhigga buugaagta ee sannad walba lagu qaban jiray magaalada Turku loo joojiyay.

Sida ay sheegeen maamulka xarunta carwada Turku, bandhiggaas oo la qabanqaabinayay mudadii 30 ka sano ah ee ugu dambeysay, ayaa sannadkaan la joojiyay, dhibaatada feyruska korona awgiis. Waxaana bandhiggaas buugaagta oo ay aheyd in la qabto bilowga bisha Oktoobar dib loo dhigay illaa iyo muddo aan wali la cayimin.

Xanuunka safmarka ah ee feyruska korona ayaa sababay in munaasabadihii maxalliga ama caalamiga ah ee dunida ka dhici jiray la baajiyo ama dhanka internetka loo wareejiyo.

Wararkan waxaa soo uruuriyayAbdirizak Sugulle