Nooca cusub ee feyruska korona ee Ingiriiska oo 11 xaaladood oo hor leh laga helay Finland

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaaagga THL,  waxaa dalka Finland laga helay 11 xaaladood oo ah nooca cusub ee feyruska korona.

Dhammaan xaaladahaas nooca cusub ee feyruska korona waxaa ay yihiin nooca ka dillaacay dalka ingiriiska. Wadarta guud ee nooca cusub ee feyruska korona ee laga helay dalkaan Finland waxa tiradooda ay gaaraysaa 127 xaaladood, kuwaasoo 116 kamid ah ay yihiin kuwa laga helay dalka ingiriiska. 11 ka kale waa nooca laga helay dalka Koonfur-Afrika.

Xigasho:YLE