Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 293 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Arbaca 4.11.2020 laga helay feyruska korona 293 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 16 930 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay waxaa dalka Finland laga helay feyruska korona wadarta guud 2 831 qof.

Illaa iyo 42 magaalo oo ka mid ah dalkaan ayaa laga helay feyruska.

Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waxaa ay kala yihiin: Helsinki (78 qof), Espoo (44 Qof), Vantaa (52 qof),Turku (23), Vaasa (15), Kuopio (11), Tornio (5), Kouvola (4).

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 70 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 13 ka mid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.  Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in tirada guud ee dhimashada waxaa ay maraysaa 359 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

20 055 588 46 912 399
 

Tirada u dhimatay feyruska

      514 547   1 206 988
 

Tirada ka bogsatay

  7 703 631 31 387 042

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 9,69 milyan 94 463   1 199 238 641
2 Hindiya 8,31 milyan 46 033      511 123 650
3 Baraaziil 5,56 milyan 12 920      276 160 548
4 Ruushka 1,67  milyan 18 648      355    28 828
5 Faransiiska 1,50 milyan 36 330      854    38 289
6 Spain 1,33 milyan 18 669      238    36 495
7 Arjantiin 1,19 milyan 12 145      429    32 052
8 Kolombiya 1,09 milyan   6 136      177    31 847
9 Ingiriiska 1,07 milyan 20 018      397    47 250

Xigasho: YLE, Worldmeters.info