Finland waxaa laga helay maanta 354 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 5 xaaladood oo dhimasho ah

Jimce 18.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 354 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 32 582 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 56 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 171 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 87 qof laga helay, iyo Etelä-Savo oo 20 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 82 , Turku: 53, Vantaa: 47, Espoo: 24, Pieksämäki: 19, Oulu: 12, Kaarina: 7, Joensuu: 7, Tampere: 6, Jyväskylä: 6, Imatra: 5, Masku: 5, Naantali: 5, Lappeenranta: 5, Raisio: 4, Lahti: 4, Hyvinkää: 3, Lempäälä: 3, Hämeenlinna: 3

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 263 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 30 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 489 qof, kaddib markii 5 qof o hor leh ay u dhinteen feyruska afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

23 268 797   74 952 575
 

Tirada u dhimatay feyruska

    503 960      1  662 127

 

 Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 17,6   milyan  231 269    3 278 317 929
  2 Hindiya 9,97   milyan    26 762       342 144 829
  3 Baraaziil 7,11   milyan    68 832    1 054 184 876
  4 Ruushka 2,76   milyan    28 214       586   49 151
  5 Faransiiska 2,42   milyan    18 254       258   59 619
  6 Turkiga 1,95   milyan    27 515       243   17 364
  7 Ingiriiska 1,94   milyan    35 383       532   66 052
  8 Talyaaniga 1,90   milyan    18 236       683   67 220
  9 Spain 1,80   milyan    11 081       181   48 777
10 Arjantiin 1,52   milyan      7 326       169   41 534
11 Kolombiya 1,46   milyan     12 196       227   39 787
12 Jarmalka 1,43   milyan     30 951       724   25 165
13 Meksiko 1,27   milyan     10 297       670  115 769
14 Poland 1,17   milyan     11 950       431    24 345
15 Iiraan 1,13   milyan       7 453       212    53 095

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS