Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Korona ee Finland (Uusimmat tiedot korontilanteesta Suomessa somaliksi)

Helsinki 19.6.2020-  Maadaama lagu jiro billowga xafladda bartamaha xagaaga la qabto ee ee dabshidka iyo bad-galka isugu jirta (Juhannus) ayaan waxa dib u eegis iyo hubitaan ah lagu sameyn xaaladda Korona ee dalka Finland 22.6.2020.

Isniinta ku beeggan 22.6.2020 ayaa loo soo laabanayaa natiijooyinka ka soo baxa saamiyada la qaaday muddada u dhexeysa 18.6.2020-21.6.2020.

Illaa iyo hadda xaaladdu waxay joogtaa heerkii shalay (18.6.2020)

Tirada guud ee kiisaska fayruska Korona ee baaritaanka shaybaarka lagu xaqiijiyay illaa iyo hadda waa 7131. Tiradii shalay waxaa ku korortay 14 kiis.

Waxaa isbitaalka lagu dabiibayaa 24 (4 kiis ayaa tiradii shalay ku korortay) qofood halka qaybta gargaarka degegga ah ay ku jirto 2 qofood (waxba kuma kordhin tiradii shalay).

Illaa iyo hadda waxaa la diiwaangeliyay 326 qofood (waxba kuma kordhin tiradii shalay) oo fayruska Korona u geeriyootay.

Xigasho: YLE/THL