Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 316 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 Jimce 13.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 316 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 18 858 qof.

Magaalooyinka ugu badan ee laga helay feyruskana waa sidatan soo socota: Helsinki: 76, Mikkeli: 53 qof, Espoo: 43 qof, Vantaa: 31 qof, Turku:19 qof, Pieksämäki: 10 qof, Kainuu: 7 qof, Oulu:7 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 73 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 15 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga tirada dhimashada ayaa haatan maraysa 369 qof, kaddib markii ay hay’addu sheegtay maanta in afar qof oo dheeraad ah ay u dhinteen feyruska korona.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

13 241 077 52 733 290
 

Tirada u dhimatay feyruska

311 558 1 292 439

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 10.8  milyan  161 541   1 190 248 585
2 Hindiya 8,72   milyan     43 861      521 128 686
3 Baraaziil 5,78   milyan     34 640      926 163 406
4 Faransiiska 1,89   milyan     33 172      425    42 960
5 Ruushka 1,85  milyan     21 608      439    32 032
6 Spain 1,48   milyan     19 551      356    40 461
7 Ingiriiska 1,29  milyan      33 470      563    50 928
8 Arjantiin 1,28   milyan     11 163      251    34 782
9 Kolombiya 1,17   milyan       8 686      179    33 491
10 Talyaaniga 1,06   milyan      37 978      636     43 589
Xigasho: Yle, HS, Worldmeter