Shabakadda xildhibaannada haweenka ah ee baarlamaanka Finland oo xarunta baarlaaanka Finland ku qaabilay Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada JFS Khadija Mohamed alMakhzumi iyo wefdi ay hoggaaminayso

Photo Abdi Musse-SSMV

Saddex kamid ah xubnaha shabakadda xildhibaannada haweenka ah ee baarlamaanka Finland iyo qaar ka tirsan hawlwadeennada baarlamaanka iyo wasaaradda arrimaha dibadda ayaa maanta ku qaabilay xarunta baarlamaanka Finland wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Khadija Mohamed alMakhzumi iyo wefdi la socda oo muddooyinkan hawlo shaqo u joogay Finland.

Photo Abdi Miusse-ssmv

Xildhibaanad Eveliina Heinäluoma oo kulanka qaabilaadda ah furtay ayaa soo dhoweysay wasiiradda iyo wefdigeeda waxayna ka warbixisay xaaladda haweenka xildhibaannada ah ee baarlamanaka Finland iyo siyaasada guud ee Finland.

Wasiiradda oo taagan bartamaha baarlamaanka Finland

Xildhibaanad Mai Kivelä oo iyaduna ka tirsan shabakadda xildhibaannada dumarka ah ee Baarlamaanka Finland ayaa sheegtay soo dhoweynta wasiiradda Khadija iyo wefdigeeda kaddib, in farxad iyo sharaf ay u tahay dumarka ku jira baarlamaanka Finland in ay wasiirad Khadija Mohamed alMakhzumi ku soo dhoweeyaan baarlamaanka Finland.

Photo Abdi Musse SSMV

Xildhibaanad Inka Hopsu oo ka mid ah xildhibaannada Shabakadda dumarka xildhibaannada ah ee Finland oo iyaduna qayb ka ahayd sharci-dejiyayaasha Baarlamaanka Finland ku soo dhoweeyay Wasiirad Khadija alMakhzumi iyo wefdigeeda ayaa ka warbixisay xaaladda guud ee dalka Finland, gaar ahaan dhinaca waxbarashada la xiriirta isbeddelka cimilada iyo guud ahaan deegaanka.

Photo Abdi

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka Cimilada oo iyaduna ka hadashay kulanka ayaa ka mahadcelisay sida diirran oo saaxiibtinimada leh ee Finland loogu soo dhoweeyay.

Wasiirad Khadija ayaa sheegtay, in inkastoo ay wasaaraddeedu jirto lix bilood oo kaliya ay haddana tallaabooyin wax ku ool ah qaadday, sida diyaarinta qorshayaal deegaanka lagu nooleynayo isbeddelka cimiladana wax looga qabanayo.

Haweenka Soomaaliyeed ayeey wasiiraddu sheegtay in ay yihiin kuwa aad u adag oo aan dabacsanayn laakiin u baahan in ay xooggooda mideeyaan aayaha iyo talada dalkoodana ay kaalintooda muhiimka ah ka qaataan.

Wasiirad Khadija ayaa sidoo kale madasha ka sheegtay in MP Suldaan Said Ahmed, ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska uu yahay mas’uul shaqo wanaagsan ka haya Geeska Afrika.

MP Suldaan iyo Wasiirad Khadija-Photo- Tiwitter- Suldaan Said Ahmed

Wasiiradda ayaa tiri: ”Waxaan rabaa, in aan halkan uga mahadceliyo MP Suldaan Said Ahmed, ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika. MP Suldaan ayaa ah shakhsiga abuuray fursadda aan halkan ku imid ee aan dhidibada ugu taagnay xiriir cusub oo wadashaqeyn ku dhisan oo dhexeeya Wasaaradaha deegaanka iyo cimilada ee Soomaaliya iyo Finland.”

Kuva Abdi Musse ssmv

Ugu dambeyntii waxaa wasiirad Khadija alMkahzumi lagu soo wareejiyay qaybaha kala duwan ee uu baarlamaanka Finland ka kooban yahay waxayna fursad ah u heshay in ay qaybta diblumaasiyiinta kala socota Fadhiga baarlamaanka Finland oo socday isla wakhtigii ay wasiiraddu joogtay baarlamaanka.

Photo Abdi Musse-ssmv

Shabakadda xildhibaannada haweenka ah ee baarlamaanka Finland waxaa la aasaasay sannadkii 1991. Sananadkaas waxaa baarlamaanka Finland loo doortay 77 xildhibaan oo dumar ah. Tiradaas ayaa ahayd tiradii ugu badnayn xilliyadaas. Wakhtigan xaadirka ah 92 xildhibaan oo dumar ah ayaa baarlamaanka Finland ku jira. Guddoomiyaha shabakadda haweenka ku jira baarlamaanka Finland ayaa waxaa haatan ah xildhibaanad Sari Tanus guddoomiye-ku-xigeenka shabakadduna xildhibaanad waa Eveliina Heinäluoma.

Wasiirad Khadija alMakhzumi iyo wefdigeeda ayaa tan iyo 31.1.2023 booqasho rasmi ah ku joogay Finland waxayna si gaar ah ugu casuunnayd oo ay wadahadallo la lahayd dhiggeeda Finland, Maria Ohisalo, wasiirka deegaanka iyo cimilada ee Finland iyo weliba wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Finland gaar ahaan wasiirka arrimaha dibadda Pekka Haavisto ayaa dhanka kale Wasiirad Khadija ku qaabilay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland.

Ururada Soomaalida iyo Finnishka isugu jira ee ka hawlgala Soomaaliya, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland iyo dhinacyada daneeya arrimaha Soomaaliya ayeey sidoo kale kulamo la qaaday wasiirad Khadija alMakhzumi, wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee JFS.

SSMV