Finland waxaa laga helay maanta 190 xaaladood oo feyruska korona ah

Sabti 16.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 190 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 40 101 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 52 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 91 qof, Gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 33 qof, iyo Pirkanmaa oo laga helay 11 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 44 qof, Vantaa: 25 qof, Turku: 15 qof, Espoo: 20 qof, Tampere: 10 qof, Raiso: 7 qof, Oulu: 7 qof, Kuopio: 4 qof, Kouvola: 4 qof, Alavus: 3 qof, iyo magaalooyinka Kaarina, Tornio, Lahti, Pori, Uusikaupunki, Riihimäki, Seinajoki, Mustasaari, Imatra, Vaasa, Petäjävesi, Lappeenranta, Hyvinkää, Pöytyä iyo Siilinjärvi oo min 2 qof laga helay. Inta kale ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 145 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 28 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 618 qof.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi.

Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala , Ahvenanmaa Kainuu iyo Vaasa ( marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista).

Heerka hoose: Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Pohjois-Savo iyo Lappi.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 30 252 185    94 414 806
         652 039       2 020 119

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 24,1 milyan   248 080    3 805  401 856
2 Hindiya 10,5 milyan     15 151       176  152 130
3 Baraaziil 8,39 milyan     68 138    1 131  208 291
4 Ruushka 3,52 milyan     24 715       555    64 495
5 Ingiriiska 3,31 milyan     55 761     1 280    87 295
6 Faransiiska 2,87 milyan     21 271        399    69 949
7 Turkiga 2,37 milyan       8 314        169    23 664
8 Talyaaniga 2,35 milyan     16 146        477    81 325
9 Isbeyn 2,25 milyan     40 197        235    53 314
10 Jarmalka 2,02 milyan     19 791     1 045    46 537
11 Kolombiya 1,87 milyan     21 078        377    47 868
12 Arjantiin 1,78 milyan     12 322        102    45 227
13 Meksiko 1,58 milyan     16 468        999  137 916
14 Poland 1,42 milyan       7 675        386    32 844
15 Iiraan 1,32 milyan       6 485          83    56 621
16 K/Afrika 1,31 milyan     14 880        615    36 467
17 Ukriane 1,14 milyan       8 199        166    20 542
18 Peru 1,05 milyan       7 361          90    38 654

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS