Cilmibaarista MigCOVID oo ay hay’adda THL samaynayso

 

Arbaca 11.11.2020  Ha’ayadda caafimaadka iyo nololwanaagga dalkan Finland ee THL oo saamaysa baaritaanno xagga caafimaadka la xiriira, ayaa bilowday cilmibaaris ujeedadeedu tahay, sida uu feyrsuka korona u saameeyay howlaha nololmaalmeedka caadiga ah ee dadka waddanka u soo guurey. Cilmibaarista waxaa ay ku wajahan tahay dadka ajaanibta ah ee wadamada kala duan ka yimid ee u soo guuray dalkaan Finland.

Qaybta Soomaalida waxaa laga doortay 1000 qof, iyadoo dhanka xafiiska diiwaangelinta dalka loo maray oo magacyada la doortay halkaas laga soo xulay, islamarkaana dadkii la doortay cinwaankooda boostada loogu direy. Haddaba akhriste waa muhiim in cilmibaaristaas laga qaybqaato, waayo waxaa lagu ogaanayaa wixii saamayn ahaa ee uu korona ku yeeshay howlihii nololmaalmeedka caadiga ahaa, sida adeegyada kala duwan ee dhanka dowladda.

Cilmibaarisyada noocaan oo kale ahna waxaa faa’iidada ku jirtaa ay tahay, sidii loo ogaan lahaa wixii dhibaato ah ee jira, islamarkaana wax looga qaban lahaa.

Cid ku ogaanaysa inaad cilmibaarista ka qaybqaadatay ma lahan, meel gaar ah oo lagu soo qoraayana ma jirto, sidoo kale jawaabta aad bixiso wax saamayn ah kuma yeelanayso adeegyadii aad ka helaysay dhanka xafiisyada iyo howlwadeennada dowladda.

Hoos ayaad ka akhrisan kartaa qoraal afsoomali ku turjuman oo ka hadlaayaa ujeedada cilmibaaristaan.

________________________

Ma waxaad ku dhalatay dalka Finland dibaddiisa?

Sidee ayuu cudurka safmarka korona u saameeyay howlaha nololmeedkaaga caadiga ee dalkan Finland?

Ka jawaab cilmibraaistan oo saameyn ku yeelo arrinkaan!

Cilmibaaristan loogu magacdaray (MigCOVID) oo ku saabsan saameeynta uu safmarka koroona ku leeyahay nololwanaagga dadka shisheeyaha ah ee ku dhashay dalkan Finland dibaddiisa, waxaa hirgelineysa Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL).  Cilmibaaristan waxaa lagu caddeynayaa saameynta uu safmarka koroona ku leeyahay:

  • howlaha nololmaalmeedka caadiga ah
  • caafimaadkda
  • tayada nolosha
  • khibradaha la xiriira isticmaalka adeegyada

Ka jawaabista cilmibaaristaan, waxaad nagu siineysaa macluumaad muhiim ah oo ku saabsan, saameynta ay ku yeesheen cudurkan safmarka ee korona iyo howlaha la xiriira ee xadeynta ah, nololmaalmeedka caadiga ah ee dadka shisheeyaha ah ee ku nool Finland ee ku dhashay dalka dibaddiisa.

Annagoo kaashanayna cilmi baaristaan, ayaan waxaan awoodi karnaa inaan horumar ku sameyno adeegyada dadka la siinayo ee lagu taageeraayo caafimaadka bulshada iyo nololwanaaggooda, xilligaan uu jiro cudurka safmarka korona iyo kaddib.

Ka jawaabista cilmibaaristaan, waxaad kaga qeybgalaysaa baqtiyaanasiib abaalmarin lagu bixinaayo- waxaad kala socotaa cinwaanka boostadaada!

Faahfaahin dheeraad ah oo arrinkaan ku saabsan waxaad ka  akhrisan kartaa  boggan internetka ee cilmibaarista:thl.fi/migcovid/info