Finland waxaa laga helay maanta 263 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Sabti 24.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 263 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 85 607 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 3 900 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 51 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay116 qof,  gobolka Pirkanmaa oo laga helay 44 qof,  iyo gobolka Varsinais-Suomi waxaa  laga helay 30 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Espoo 34
Helsinki 30
Vantaa 30
Tampere 30
Turku 16
Lahti 11
Oulu 7
Kotka 6
Hattula 5
Kangasala 5
Hämeenlinna 5
Tornio 4
Naantali 4
Pornainen 4
Paimio 4
Hyvinkää 4
Kajaani 3
Lappeenranta 3
Vihti 3
Kontiolahti 2
Kouvola 2
Orimattila 3
Nurmijärvi 2
Ylöjärvi 2
Äänekoski 2
Kaarina 2
Forssa 2
Porvoo 2
Rauma 2
Laitila 2
Jämsä 2

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 132 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  31 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 903 qof,. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 35 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 4 716 oo qof, kuwaasoo 4 022 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 693-ka kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 485 461 oo qof (24.04).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay 49 052 124 146 345 160
Tirada u dhimatay feyruska  1 044 246 3 102 323

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 525 910 36 156 853
Tirada u dhimatay feyruska  119 923 487 633

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS