Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 926 qof oo hor leh

Jimco 13.08.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 926 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 116 231 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 95 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 470 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 86 qof, gobolka Pohjois-pohjanmaa waxaa laga helay 75 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 50 qof .

Magaalooyinka ugu badan ee dalkaan Finland laga helay feyruska waa sidatan soo socota:

tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 194
Vantaa 107
Espoo 75
Rovaniemi 50
Turku 47
Oulu 37
Tampere 26
Kuusamo 22
Lappeenranta 21
Kuopio 15
Jyväskylä 15
Kerava 14
Vaasa 12
Tuusula 11
Kangasala 11
Porvoo 11
Rauma 10
Mikkeli 10
Raisio 9
Vihti 9
Lahti 9
Salo 8
Kirkkonummi 8
Naantali 8
Järvenpää 8
Kaarina 7
Riihimäki 7
Nurmijärvi 7
Lohja 6
Savonlinna 6
Kouvola 5
Joensuu 5
Kokkola 5
Mäntsälä 5
Hyvinkää 5
Kotka 5
Hämeenlinna 5
Karkkila 5
Seinäjoki 5
Kajaani 5
Akaa 4
Ylivieska 4
Muurame 4
Raahe 4
Siikajoki 4
Lieto 4
Ilmajoki 3
Orimattila 3
Pori 3
Tornio 3
Sipoo 3
Ylöjärvi 3

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 88 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 22 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 998 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 12 281 oo qof, kuwaasoo 7 953 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 445 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 2 786 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 7 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 13.08).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,8 milyan oo qof, taasoo u dhigmata 68,3% tirada dadka Finland. Labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 2,2 milyan, taasoo u dhigmata 41,2 % tirada dadka Finland (13.08.).

Xigasho:YLE,HS