Dowladda Finland oo war ka soo saartay isticmaalka afshareerka, shaqada dhanka internetka iyo safarka

Shir jaraa’id oo ay dowladdu qabatay maanta oo ay taariikhdu tahay 13.8.2020 ayay kaga hadashay arrimaha kala ah: isticmaalka afshareerka, shaqada dhanka internetka lagu qabanayo iyo dadka ka soo laabanaya safarrada dalalka xaaladooda feyrusku ay khatarta tahay.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in ay taageersan tahay talosoojeedinta hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) ee ah in la isticmaalo afshareerka.

Af-shareer ama af-saab

Hay’adda THL waxaa ay soo jeedisay in afshareerka loo isticmaalo saddexda xaaladood ee kala ah: Gaadiidka dadweynaha dhexdiisa, marka loo socdo baaritaanka feyruska korona iyo marka laga soo laabto safarka dalalka xaaladooda feyrusku ay khatarta tahay.

Talo soojeedintan THL ay soo saartay ma khuseyso dalka Finland oo dhan. Waxaa ay khuseysaa goobaha xaaladda faafitaanka feyruska korona ay aadka uga soo dareysay labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Waxaana goobahaas ka mid ah gobolka Uusimaa ee caasimadda iyo nawaaxigeeda (Helsinki-Espoo-Vantaa) iyo qeybta gobolada dhexe ee la isku yiraahdo Varsinais-Suomi (Turku-Pori).

Waxaa intaa dheer oo hay’aadda THL ay sheegtay in howlwadeennada qaabilsan cudurrada faafa ee gobol walbaa ay soo saari karaan talo soojeedin ama xadayn ku saleysan hadba xaaladda khatarta feyruska ee goobaha ay joogaan ka jirta.

Talo soojeedinta hay’adda TH lee ku saabsan isticmaalka afshareerka ma khuseyso goobaha shaqada, sidoo kale talo soojeedintan ma khuseyso carruurta da’doodu ka yar tahay 15 sano, waayo THL ay sheegtay in afshareerku aanu u habboonayn carruurta, carruurta oo aan si sax ah u isticmaali karin afshareerka darteed.

Shaqada lagu qabto guryaha ama dhanka internetka

Xuquuqda sawirkan waxaa leh Hämeen sanomat

Dowladdu waxaa ay soo jeedinaysaa in shaqada guriga la qabanayo ay sii socon doonto, haddii xaaladda faafitaanka feyruska korona ee goobtaas ay kororto. Waxaana wali talo soojeedinta shaqada guriga lagu hayo ay ka sii jireysaa Helsinki iyo gobolka Uusimaa, Varsinais-Suomi iyo Länsi-Pohja.

Dadka ka kala imaanaya safarrada dibadda

Dowladdu waxaa ay hay’adda THL ka codsatay in ay diyaariyaan hagis loogu talagalay waxa ay samaynayaan dadka ka soo laabaanaya safarada dalalka dibadda. Waxaana sida ay Ra’iisul wasaaraha dalka Sanna Marin ayaa sheegtay in ay ka codsadeen THL in ay soo diyaariso tusaale ama habraac la u dhigma sida samaafaraha ama nalalka gaadiidka kala haga ah, sida guduud, cagaar iyo jaalle ama huruud.

Sanna Marin waxaa ay sheegtay in ujeedadu ay tahay qaab farriin diris ah oo ay dadku ku kala garan karaan, howlaha laga doonaayo in qof kastaa uu sameeyo marka uu safarka ka soo laabto.

Xuquuqda sawirka: YLE

Warkan waxaa diyaariyay, soo uruuriyay islamarkaasna turjumay Ustaad Abdirizak Sugulle